Suldaan Aadan Faarax Oo Xukuumadda Ku Bogaadiyay Qisaastii Lagu Fuliyay Lix Gacan Ku Dhiigle, Kana Hadlay Mamnuucida Bacaha

suldaan aadan(Duulnews)-Suldaan Aadan Faarax Oo Ka Mid Ah Madax dhaqameedka Somaliland ayaa xukuumada Kulmiye ku bogaadiyay fulinta qisaasta dadkii hore u laayay dadka.

Waxa uu sheegay in arrintani ay waafaqsan tahay shareecada isalaamka, waxaaana uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay hadhwanaagnews “Waxa aan marka hore xukuumadda uga mahad celinayaa fulinta dilka dadkii ku xukunaa qisaasta.

Runtii waxa la waafajiyay shareecada islaamka ah oo qofkii qof kale camdi u dila waxa banaan in loo dilo, diyo laga bixiyo ama reerka kale uu cafiyo.Hadaba xukuumada waanu ku bogaadinaynaa dadkaasi lagu heshiiyay in la dilo in ay fuliso xukunkooda” ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyay wareegtadii uu dhawaan ku mamnuucay ka ganacsiga bacda oo iyaduna waxyeelo soo gaadhsiisa deegaanka “Waxa aan madaxweynaha Somaliland ku hambalyaynayaa mamnuucida ka ganacsiga bacaha oo waxyeelo ba’an ku hayay deegaanka.

Runtii arrintaasi waxa ay u baahan tahay in loo wada guntado sidii bacaha oo xoolaha iyo deegaankaba khatar ku ah loo dabar jari lahaa” ayuu yidhi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>