Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ku Guulaystay Inuu Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gam’diid Dib Xoriyadiisii U Helo.

Garoowe: (Duulnews)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,ayaa si rasmi ah ugu guulaystay inuu Xoriyadiisa usoo celiyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo ka mid Abwaanada sida weyn looga yaqaano gayiga ay Somalidu digto oo dhan.

Suldaanka iyo Cuqaal kale oo ka tirsan Beesha uu kazoo jeedo Abwaanku ayaa Bilihii ugu danbeeyay waxay Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ay kulamo gooni-gooni ah kula lahaayeen Siyaasiyiinta iyo Madaxda Dhaqanka ee Maamulkaasi,iyaga oo ka wada hadlayay sidii Abwaanka Xoryadiisa loogu soo celin lahaa.

Ugu danbanyntiina waxa Maalintii shalay si rasmi ah Xabsiga weyn ee Magaaladda Boosaaso looga soo daayay Abwaan Cabdi Waaxid Cali Gama’diid,waxaana la filayaa inay Maalmaha soo socda soo gaadhaan Caasimadda Soamliland ee Hargaysa.

Abwaanka ayaa waxa hore loogu xidhay Magaaladda Hargaysa,ka dib markii suugaan ku taageeray Weerar lagu hoobtay oo ay Xoogaga Shabaabku ka fuliyeen Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya,gaar ahaana Suuqii Ganacsiga ee loo yaqaanay WESTGATE.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>