Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Farriin Adag U Diray Mudaneyaasha Guurtida

sul(Duulnews)-Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Golaha guurtida difaacay sharaftooda, uguna baaqay inay oofiyaan dhaarta ay Bulshada Somaliland u mareen.

Suldaan Maxamed Oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in golaha guurtidu door muhiim ah kaga jiro deganaanshaha dalka “Golaha guurtidu si kastaba imika ha ahaadee, waa gole dhaqameed. Waa golahaas uu maanta dalku ku dhisan yahay, ee dawladdu ku dhisan tahay, ee nabadgalyad nin walba xorriyaddiisa ugu tax-taxaashayo, ee saqda dhexe dadku socdaan iyadoo hantidoodu banaanada wadhan tahay een cidna looga baqayn,” ayuu yidhi Suldaanka guud.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu soo dhaweeyay Soo jeedinta Komishanka doorashada ee ah in 1-da June 2016 la qabto doorashada “Saddexdan Xisbi qaran iyo Komishanka doorashadu wixii ay isla qaateen waa halkooda laakiin, go’aanka kama dambeysta ah waxaa iska leh golaha guurtida, mana jeclaysanayno in cidina u hanjabto golahaasi, ixtiraam buu goluhu naga mudan yahay, dadka dacaayadaha adag ka fidinayana waxaan leeyahay waar ka jooga oo waddaninimadu ha idin deeqdo laakiin cidii Xumaantu deeqdo ee Somaliland ka mid maaha” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin dardaaran ah u diray Mudaneyaasha Guurtida “Golaha guurtida hal baan odhanayaa, waxba Shillimo yaanay idin la waynaane danta Umaddiina eega iyo danta maatidiina. Sidii la idiinku aaminay ee dhaarta noogu marten ka run sheega, waar dhaartii aad umadda u dhaarateen xagee ka maraysaan?, dhaartani ma mid aan wax qaban baa?, dee marka horeba qofku hadduu been ku dhaarto dhaartu ma qabato ayaa la yidhi. Haddii dhaartu idin qaban waydo been baad noogu dhaaranayseen oo qarankana waxba u qaban maysaan laakiin in la idiin hanjabo ma ogolin” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Mucaaradka Somaliland iyo qaybaha bulshada ayaa walwal badan ka qaba in Guurtidu xukumadda u kordhiso wakhti ugu yaraan ah 2 sanno kadib markii doorashadu ku qabsoomi wayday 26-ka June ee sanadkan 2015-ka. Komishanka doorashada ayaa soo jeediyay in 1-da June 2016-ka ay ku qaban karaan doorashada, waxaana sidaasi taageeray Mucaaradka Somaliland iyo Bulshada Caalamka ee daneeya doorashada Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>