“Tan (Somaliland) Annaga Waxbaa Naga Soo Maray, Habeen Xalay Tegay Inuu Inan Yar Oo Afweyne La Joogay Nagu Dul Maamulo”. Ibraahim Dhegaweyne

Mujaahid-Dhagaweyne(Duulnews)-Mujaahid Ibraahim Xuseen Dhegoweyne, ayaa ka dayriyey xaaladda oo haatan dalku marayo, waxana uu ku baaqay in baahi weyn loo qabo badbaadinta qaranimada iyo jiritaanka somaliland.

 

Mujaahidka oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanayd Muranka ka taagan muddo-kordhinta Guurtidu samaysay, waxana uu tilmaamay in waddanku galay Xaalad Hubaal li’I ah oo warwarku sii badanayo.

 

Mujaahidku waxa uu ku baaqay cidda maanta rabta in muddo-kordhin loo sameeyaa inay shacabka hortimaaddo oo ay ku qanciso sababta muddo-kordhinta loogu samaynayo,“waxa taagani doorasho khali ma aha, wixii aynu yabyabnay iyo qarankii aynu isu keenayna wuu baaba’ay oo maanta ma jiro, cidda aynu u kordhinaynaa intay umadda isasoo hortaagto ha tidhaahdo ii kordhiya oo sababtaas iyo sababtaas iigu kordhiya inan yari uun yaanu kolba gidaar isu keen soo taagani.” Ayuu yidhi muj. Dhegoweyne.

 

Mujaahidka oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,“sawirka maanta umadda horyaallaa waa kaas ka muuqda intii talada loo dhiibtay, Komishankii wax buu iskaga dhawaaqay sharci uma laha, Guurtidii way ka dhammaatay sharci uma lahaa, xisbiyadiina waad aragtaan.”

 

Mar uu mujaahdi Ibraahim Dhegoweyne ka Hadlayey Arrinta Guurtida, ayuu farta ku fiiqay inaanay Guurtidii sharafta lahayd ee shacabku doorteen Haatan joogin oo meesha ka baxeen, waxana uu intaas raaciyey inaan cidina aqbali Karin Xubno dhaxal guurtinimo ku sheeganayaa inay khalkhal abuuraan, waxana uu yidhi,“Guurtidu carruurtan meesha lagaga tegay ma ahee tii aynu soo dooranay xabaal bay jiraan oo qaar baa 15-sano aasnaa, codkaygana waxan rabaa nin aan soo doortay inuu codkayga igu metelo, laakiin ma aha odaygii Reerkaygaa iiga baxayoo annaa halkiisii jooga oo Guddoomiye ah. Caqli waxaasi ma aha.”

 

Ibraahim dhegoweyne waxa uu si hanjabaadi ku jirto u sheegay inaanu waddanka xaalkan kusii daaweynayniin, isla-markaana la doonayo in dib loo celiyo horumarkii lasoo waday,

 

“waynu isu imanaynaa marka 26-ka June la gaadho, dalkanina waxan ku socon maayo, tanna(somaliland) annaga waxbaa naga soo maray, kii xamar ka yimi ee Afweyne la joogay nagu dul maamuli maayo, Habeen xalay tegay inuu inan yar oo xamar ku yimi nagu maamulo, waxanu soo galnay magaalada Hargeysa oo aanu guri ka taagnayn, maantana Halkii in lagu celiyo ayaa la doonayaa.” Ayuu yidhi Ibraahim dhegoweyne.

 

Mujaahid Ibraahim dhegoweyne oo xubin firfircoon ka ah Madasha wada-gashiga iyo toosinta qaranka, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka taxadaraan dhagaro uu sheegay in la qoolayo, waxana uu shaaciyey in wada-tashi lagaga bixi karo halka maanta dalku marayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>