U Qeybsanaha Qaramadda Midoobay Ee Arimaha Somalida Oo Canbeerayay Weerarkii Maanta Magaaladda Garoowe Lagu Eegtay Shaqaale Ka Tirsan Qaramadda Midaabay

kay-key-danjire-300x214(Duulnews)-. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka lagu qaaday gaadhi ay leedahay Qaramada Midoobay oo yaalay magaalada Garoowe weerarkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Waxaa iga nixiyay igana walwaliyay waxa maanta ka dhacay Garoowe. Waxaa aad u fool xun sida loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay arimaha Bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadan baahida dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yidhi Ergayga Gaarka ah SRSG Kay.

 

“Arintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, hadana waxay u mideysanyihiin sii loowadida howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama waxkunoqdayba.” Ayuu yidhi SRSG kay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>