Ujeedada Doon Dagaal Oo Maamulka Puntland U Diray Badda

(Duulnews)-Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa Arbacadii Doon dagaal ka ambabixisay Dekedda Boosaaso, kaasi oo la sheegay inuu gacanta ku soo dhigo doono doonyo iyo Maraakiib si sharci darro ah uga kaluumaysta Xeebaha Maamulka Puntland.

PUN

Cabdinuur Cabdi Cismaan(Biindho), Wasiirka Khayraadka Badda Puntland ayaa faahfaahiyay ujeedada Doontaasi “Maanta Nimanka saaran Doontaas aynu dushiisa saaranahay muhiimad musharaf ah ayay ku socdaan, difaacii dalkooda ayay u socdaan, hadday ku dhintaana way shahiidi, haddii ay ku noolaadaana Waajibkii ay lahaayeen ayay guteen. La dardaarmi maayo ee waan u hambalyaynayaa” ayuu yidhi Wasiirka oo Doonta dusheeda kula hadlay saxaafadda.

 

Wasiirka Kaluumaysiga Puntland ayaa sheegay in Doonta ay la socdaan Ciidamada Puntland oo taageero ka helayo Shirkad lagu magacaabo SSS oo amaanka Badda ka shaqaysa iyo wasaaradda Kaluumaysigu la socdaan Markabka, islamarkaana laga fuliyo inay guul ka gaadhaan dhibka Xeebaha.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa hore uga hadlay dhibka ka jira xeebaha Maamulkiisa “Xukumadda Puntland waxay u aqoonsatay Kaluumaysiga Sharci darrada ah inuu yahay Masiibo qaran.hoosta ayaan ka xariiqayaa in arrintaasi tahay Musiibo qaran oo loo baahan yahay in la wajaho, oo ay tahay in awooda Bulshada Puntland loo jeheeyo la dagaalanka Kaluumaysiga Sharci darrada ah” ayuu yidhi Mr Gaas.

Maamulka Puntland ayaa wajahaya Xaalufin sharci darro ah oo lagu hayo xeebahooda kadib markii ay yaraadeen budhcad badeeda Xeebaheeda ka hawlgali jirtay oo halkaasi ay uga caageen Maraakiibta iyo doomaha shisheeye.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>