Ujeedada Saraakiil Milatari iyo Dublamaasiyiin Sudan Ka Socda Oo Hargeysa Soo Gaadhay

SUDAN(1)(Duulnews)-Dublamaasiyiin iyo saraakiil Milatari oo ka socda dalka Sudan ayaa la sheegayaa in ay soo gadheen Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Masuuliyiintan oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa oo aan u waramin warbaahinta ayaa si diiran waxa u soo dhaweeyay xubno ka tirsan Xukuumadda.

 

Lama oga sababta wakhtigan ay u yimaadeen masuuliyiintaasi Hargeysa, hasayeeshee warar hor dhac ayaa sheegaya in ay socdaan sidii ay Somaliland uga dalban lahaayeen in u ogolaato marinka Biyaha ee Marsada Berbera si ay huwantu ugaga duulaan dalka Yeman oo ay koox mintid ahi la wareegtay,

 

Xukuumadda Somaliland oo iyadu shalay cadaysay mawqifkeeda Dagaalka

 

 

 

 

Dalka Yeman ayaan la ogeyn waxa ay kaga jawaabi doonto dalabka uga yimid Dalka Sudan.

 

Wadamo hor leh ayaa durba ku biiray Huwanta Sacuudi Arabiya, waxaanay qorshanayaan in ay markan dhinaca dhulka ka galaan dalka Yemen oo ay mintidiintu gabi ahaanba la wareegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>