Ujeedka Shir Caalami Ah Oo Uu Ka Qeyb galay Madaxweynaha Somaliya Kaas Oo Ka Dhacay Dalka Masar

Xas(Duulnews)-Madaxweynaha Dawlada Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Wafdi Baladhan Oo Uu Hoggaaminayo Ayaa Gaadhay Magaalada Sharm El-Sheikh Ee Dalka Masar Halkaas oo Uu Kaga Qeyb Gali Doonan Shir Madaxeed Looga Hadli Doono Horumarinta Dhaqaalaha Dalkaasi Masar.

Shirkan Ayaa La Filayaa In Ay Ka Soo Qeybgalaan Madaxda Waddamada Dunida Qaarkood, Shirkadaha Caalamiga Ee Ganacsiga Iyo Maalgashiga , Ururro Caalami Ah Iyo Marti Sharaf Kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa La Filayaa Inta Uu Joogo Masar Inuu Kulamo La Qaato Madaxda Dalalka Ka Qeybgalaya Shirkan, Madaxda Shirkadaha Ganacsiga Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Daneynaya Inay Soomaaliya

Maalgashi Ku Sameeyaan.

Wafdiga Madaxweynaha Oo Ay Ka Mid Yihiin Wasiiro, Mas’uuliyiin Kale Iyo Ganacsato, Ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Sharm El-Sheikh Si Diiran Ugu Soo Dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mudane Ibrahim Mehleb Iyo Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Dalkaasi Masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>