Ururka Dhalinyarada Horumarinta iyo isku xidhka Qaybaha kala Duwan ee Beelaha Ciidagale Oo Maanta shaaca ka qaadey in ay Kalsoonidii kala Noqdeen Xukuumada Madaxweyne Silaanyo

HorseedHargeysa(Duulnews.com)- Ururka Dhalinyarada Horumarinta isku xidhka Qaybaha kala Duwan ee Beelaha Ciidagale Ee Ururka Horseed Network Organization oo maanta shir Jaraa”id ku Qabtey Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay Kalsoonidii kala Noqdeen Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Silaanyo,sidoo kale waxay Xubnahani si qoto dheer uga hadleen Xaalada dalka ka taagan iyagoo dhawaaq dheer ku Cambaareeyey shaqaaqadii shaley ka dhacday Tiyaartarka Hargeysa iyo Go”aankii ay Xukuumadu Ciidanka ku Duldhigtey Goobtaasi.

Sidoo kale Xubnahani ururka u hadlayey waxay ka hadleen Sida ay u arkaan isku shaandhayntii uu Madaxweynuhu dhawaan ku sameeyey Golihiisa wasiirada ,iyo khilaaf ay sheegeen in uu ka dhex jiro Gudida Horumarinta Beesha Ciida-gale.

Shirkan Jaraa”id ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Horseed Network Organization Aadan Mataan xasan waxaanu carabka ku adkeeyey in u jeedada ugu weyn ee ay kulankan u qabteen tahay in ay kaga hadlaan Xaalada ka Taagan Caasimada Hargeysa iyo guud ahaan dalka.
Aadan Mataan xasan oo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi:”waxaanu Maanta Halkan aanu iskugu nimid in aanu kaga hadalo Xaaladaha taagan iyo wixii shaley ka dhacay Tiyaatarka Hargeysa iyo waliba isku shaandhayntii uu sameeyey Madaxweynuhu wixii ka yimid iyo waliba arinta Gudidada Beesha Ciidagale khilaafka ka taagan Sadex-daa Arimood ayaanu maanta shirkan Jaraa”id u qabanay maanta”

Anagu waxaanu nahay Ururka Dhalinyarada Horumarinta isku xidhka Qaybaha kala Duwan ee Beelaha Ciidagale waxaanu Awal Hore la shaqayn jirney Xukuumada waxaanu Halkan maanta ka cadaynaynaa hadii aanu nahay ururkan in aanu Kalsoonidii kala noqonay Wadashaqayntii naga dhaxaysay Dowlada oo aanu hada laga bilaabo la shaqayn doono Madaxdhaqmeedka Beeshayada oo kaliya iyo Danaha Beeshayada aanu ka wada shaqayn doono “iyo kolba halkii ay noo hogaamiyaan”
Sidoo kale waxaa Halkaasi ka Hadley Xubo ay ka mid yihiin

Cabaas Ibraahin Cismaan
Maxamuud Faroole
Eng Cabaas Siciid Jaamac

Waxayna dhamaantood iska daba mareen in ay Kalsoonidii kala noqdeen Xukuumada Madaxweyne Silaanyo lana shaqayn doonaan Madaxdhaqmeedka Beesha,sidoo kale Xubnahani waxay dhaleecayn kulul u jeediyeen Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>