Ururka Samafalka Ee Haldoor Oo Deeq Lacaged Ku Wareejiyay Qoyska Wiil Yar Oo Muddo Ku Xanuunsanayay Salalxley Iyo Wiil Kale Oo Ka Mid Ah Caruurtii Mujaahi C/Laahi Xero Ifka Kaga Tagay Oo Isna Muddo Yaallay Cusbitaalka Wayn Ee Hargaysa

Hargaysa:(Duulnews)-Ururka Samafalka ee Haldoor ayaa maanta Deeq Lacageed ku Wareejiyay Qoyska Wiil yar oo in muddo ahba ku xanuunsanayay Salaxley isla markaana ku dayacnaa McH-ka Salaxley kaas oo ay masuuliyiinta ururka Haldoor ka damqadeen isla markaana ay garteen in Deeqdan lacagta ah soo gaadhsiiyaan .

Waxaanay qaar ka mid ah masuuliyiintani ay maanta Qoyskan ku booqdeen guri ku yaal Hargaysa halkaas oo ay ugu wareejiyeen Deeqdan lacagta ah .

Sidoo kale waxaa deeq lacageed la gaadhsiiyay wiil dhalinayro ah oo ka mid caruurtii uu ka tagay Mujaaahid C/laahi oo Cusbitaalka Wayn ee Hargaysa yaallay muddaba ka dib markii dhaawac soo gaadhay .

Agaasimaha Guud Ee Ururka Haldoor Deeq Cismaan oo ka warbixiyay Deeqdan ayaa sheegay in maanta uu ururka Haldoor ku wareejinayo qoyskan qaddar yar oo lacag ah taaso dhan 250 Dollar (Laba Boqol iyo Konton Dollar ) waxaa kale oo uu agaasimuhu sheegay in Qaddar lacageed oo dhan 100 Dollar (Boqol Dollar) ay isna ku wareejinayaan Sakariye C/laahi Xero oo ah Mid ka mid wiilashii uu ifka kaga tagay Mujaahi C/laahi xero waxaana lacagtaasi u gudoomay Walaalkii Maxamed C/laahi Xero .

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>