Ururka Samafalka Ee Hayaan Oo Dhismayaal Cusub Ku Kordhiyay Cusbitaalka SaLaxley

Sallaxley:(Duulnews)-Ururka Hayaan oo ah urur samafal oo ka dhisan Dalka Canada ayaa waxaa uu dhismayaal ku kordhiyay Cusbitaalka Salaxley isagoo dhisay Waadh loogu talo galay Caruurta iyo Madbakh ama qol wax lagu kariyo .

Sidoo kale waxaa ururka Hayaan intii uu jiray uu ka qeyb qaatay Dhismaha Waddada Cad isagoo ku darsaday lacag dhan 20,000 Dollar .

 

Waxa xusid mudan oo uu Ururka Hayaan si wayn ugu Mahad naqay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo si fiican uga qeyb qaatay Qaadhaanka ururkan isla markaana lacag dhan 2000 Dollar ku darsaday .

 

Ugu danbeen Ururka Hayaan wuxuu fariin U Diray Bulshada ku Dhaqan Gudaha Iyo Dibadda isagoo ugu baaqay in ay horumarka ka qeyb qaataan oo ay danta guud ka horaysiiyaan Danta Gaarka ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>