Ururka Saxafiyiinta Ee SECJA oo Shir Ugu Yeedhay Warbaahinta Xorta Ah Iyo Saxafiyiin Tira Badan Oo Ku Qulqulaya Berbera. -

(Duulnews)-Wufuud Kala Gedisan oo Ah Saxafiyiinta Ka Qayb Galaysa Shir Ay Saxaafada Somaliland Ku Yeelanayso Magaalo Xeebeeda Gobolka Saaxil ee Berbera Ayaa Maanta Ilaa Caawa Soo Gaadhay Magaalada Berbera Kuwaasi oo kasoo kicitimay gobolada Somaliland Inta ay ka kooban yihiin.

Saxafiyiintan ayaa Ka Qayb Gali Doona Shir Balaadhan oo Maalinta Beri Ah Ka Dhici Doona Magaalada Berbera kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka saxafiyiinta Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland ee SECJA oo mudooyinkii u danbeeyeyba qaban qaabadiisu ka socotay Magaaladaasi.

 

Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Ururkaasi Yaasiin Jaamac Cali oo warbaahinta kula hadlay Caawa Magaalada Berbera ayaa noo sheegay in qabanqaabada shirku ay u socoto sidii loogu talogalay waxaana

 

 

 

 

uu intaasi ku daray Shirkani noqon doono mid ay weriyaashu jilibka isu aasan doonaan isla markaana ay uga tashan doonaan Aayaha Mustaqbal ee Saxaafada Iyo Hawlaha warbaahineed Maadaama Aanay Jirin Haba Yaraatee Cid Metesha Saxafiyiintan Sidoo Kalena U qabatay Shir Noocan Oo Kale Ah oo loo Midaysan Yahay.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah wariyaashan oo aan wax ka waydiinay dareenkooda ku aadan Shirkani ayaa Noo Sheegay Sida Ay ugu Faraxsan yihiin Ka qaybgalka shirkani waxaana ay qaarkood noo sheegeen inay Tahay Markii ugu Horeysay ee ay arkaan Kulan Saxaafadeed oo Noocan Oo Kale Ah Kaasi Oo Midayn Kara Mabda’ooda Mustaqbal ee Warbaahineed.

 

Dhanka kale Xukuumada Somaliland Ayaa Sas aan Sal Lahayn Ka qaaday Kulanka shirkan warbaahineed ee ururka SECJA ku qabanayo Magaalada Berbera Kaasi oo socon Doona Mudo Sadex Maalmood Ah

 

Ilaa Hada Ma Jiro Urur Saxaafadeed Oo Metela Gebi Ahaanba Saxafiyiinta Somaliland ka hawlgala kaasi oo ka shaqeeya danahooda mustaqbal iyo aayahooda

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>