“Waa Hubaal Marka Aad Aragto Sida Dadkaagu Kuu Barbar Taagan Yihiin Inaad Helayso Tamar Tii Hore Ka Badan” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Xisri(Duulnews)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka dib soo labaashadii waftigii wadahadalada somaliland iyo somalia uga qaybgalyay ee burburay iyo soo dhoweyntii cajiibka ahayd ee ay shacabka somaliland ku qaabileen waxa uu

muujiyey dareenkiisa ku addaan burburka wadahadalada iyo soo dhoweyntii xaadda kicisay ee Shacabka.

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga waxa ku yidhi sidan:

 

Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waxaan galabta soo gaadhnay Caasimada Somaliland ee Hargeysa anagoo nabad iyo caafimaad qabna.

Markii aan kasoo degnay gegada Caalamiga ah ee Cigaal ayey kumanaan iyo kumanaan shacabka gobta ah ee reer Somaliland nagu qaabileen dareen waddaniyadeed oo ay ka muuqato shucuur dal jacaylnimo iyo adkayn qaranimo.

Muuqaladan oo kale ayaa fariin toos ah u gudbinaya dalalka ku hawlan wada hadashiinta Somaliland iyo dalkii ay mar wax wada lahayeen ee Soomaliya fariintaas oo ah sida shacabka reer Somaliland ay uuga go’an tahay ilaalinta qaranimada Somaliland iyo sida ay kalsooni buuxda uugu qabaan waftigii uuga qaybgelay wada hadalada.

Hubaal marka aad aragto sida dadkaagu kuu barbar taagan yihiin isla markaana dareen soo jeeda isha uugu hayaan talaabo walba oo masuuliyiintoodu qaadayaan ayaad helaysaa tamar intii hore ka badan oo waa dhab in dadka Geesi lagu yahay.

Waxaa xaqiiqo ah in beesha caalamka aan u sheegnay in kalmad walba oo aan ku hadlayno iyo go’aan walba oo aan qaadanayno yahay mid ku salaysan rabitaanka shacabkayaga isla markaana qadiyada Somaliland tahay mid ku dhisan afti dadweyne oo mudan in la ixtiraamo, waan ku faraxsanahay in aad maantana ficil ahaan ku muujiseen intii aan afka horay uuga sheegnay.

Meel aad joogtaanba ku noolada haybad iyo horumar

Wa Bilaahi Tawfii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>