Waftigii Somaliland Ee Safarka Ugu Maqnaa Wadanka Imaaraadka Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay,Kana Warbixiyey Safarkoodii

XOORXOOR(SLT-Hargaysa)-Waftigii Somaliland ee safarka ugu Maqnaa Wadanka Imaaraadka Carabta una tagay Wadahadalkii Shirkada Dhismaha Dekedaha oo danaynaysay Maalgashiga Marsadda Berebra ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana si balaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamigaa ee Cigaalka.

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Warbaahinta uga warbixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen Shirkadaasi iyo waxa uu safarkoodu daaranaa, Wasiirka oo qolka nasashada Madaarka Saxaafada kula hadlay sheegay inay kulmeen Dawlada Imaraadka iyo Shirkada DP_WOLRD islamarkaana ay ka wada hadleen arimaha maalgashiga iyo Dekeda berbera iyo dalka oo dhan, Wasiirku waxaa uu sheegay inay u gudbiyeen ka dalwad ahaan rabitaankooda sidoo kale ay madaxdaasi kale soo bandhigeen doonitaankooda danaha ay leeyihiin , Wasiir Xirsi wuxuu xusay inaan wali wax heshiisa aan la gaadhin balse laysla eegay qoryayaasha horumarka iyo maalgashiga dalka.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa hoosta ka xariiqay inay ka dawlad ahaan doonayaan maalgashi dalkoo dhana si loo horumariyo dalka, isla sidoo kale wuxuu sharaxay qaabka dekada berbera hada u shaqayso iyo qaabka lala doonayo mustaqbalka isagoo daboolka ka qaaday in dekeda berbera hada dherer ahaan tahay 600MT lana doonayo in intaasi toban laabkeed la gaadhsiiyo, dhanka kale wuxuu xusay wasiirku in iyana laga fekeraayo wadadii la doonayey inay isku xidho Dalkeena iyo dalalka kale.

Somalilandtoday/Hargaysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>