Wakhtiga Doorashooyinka Somaliland Oo Loo Asteeyay Dhamaadka Sanadka 2016-ka iyo Xisbiga Waddani Oo Qaadacay+Mawqifka Hogaamiyeyaasha Xisbiyada

Warqaaaaa(Duulnews)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa diiday muddo kordhin hal sanno iyo badh ah oo loo sameeyo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo. kulan ay Sabtida maanta yeesheen Gudoomiyeyaasha saddexda Xisbi qaran iyo Guddida muddo kordhinta ka talo bixinaysa ee Guurtida ayaa Xisbiga Waddani ka baxay kadib markii la hor dhigay inuu saxeexo muddo kordhin wakhtiga doorashada u astaynaysa dhamaadka sanadka 2016-ka.

 

Gudoomiye Cirro oo arrintan ka biyo diidsan ayaa ka baxay shirka guurtida iyo Madaxda Axsaabta, balse Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi, ayaa kulanka kadib saxaafadda u sheegay inay aqbaleen wakhtigaasi guurtidu kordhinayso.

 

Warqad sidoo kale Axsaabtu arrintan ku Ogolaanayso ayaa muujinaysa inaan Gudoomiye Cirro Saxeexin

Aragtida Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Qaranka

Gudoomiyaha waddani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka hadlay Mawqifkiisa wakhtigan cusub ee doorashada loo Asteeyay “Waxaa la socoteen, in wakhtiga doorashada loo asteeyay 1-da June 2016-ka, in arrintu muddo hor taalay Guurtida oo aan go’aan ka soo bixin. Saddexda Xisbi way kulmeen, ugu yaraan 2 goor bay kulmyeen, waxbaanu is waydiinay, waxaanu is waydiinayna waxay ahayd in talo qaran oo midaysan oo saddexda qaran iyo xukumadduba ku midaysan yihiin la helo. Heshiisku wuxuu ku imanayay markaanu helno kalsoonida golaha guurtida, waxaanu ku wada hadalnay in arrinta Madaxweynaha, axsaabta qaranka iyo gudoonka guurtidu iskaga yimaadaan oo iska arkaan, taasina may suurto galin.

Shalay annagoo saddexda gudoomiye ee Xisbiyada waxaanu u tagnay Gudoomiyaha guurtida, anagoo doonayna in waxaanu ku heshiino uu fuliyo laakiin, isagoo xaqna u leh Gudoomiye Saleebaan waxa uu yidhi Go’aanka waxaa iska leh gole, waxaanan gaynayaa golaha. Markaa umadda, Xisbiyada iyo bulshada Caalamkuba 1-da June bay taagnayd, markaa noomay muuqan kalsooni lagaga guuro 1-da June oo meel aan la garanayn loogu guuro. Markaas maadaama aanan haysan Kalsoonidii Guurtida, fadhigii Madaxweynaha, Xisbiyada iyo Shirgudoonka guurtidu uu baaqday waxaa noo muuqday in umaddu meeshay ku midaysnayd ee Xisbiyadu ku midaysnaayeen ee bulshada caalamku ku midaysnayd Mawqifka Xisbigu noqdo, wakhtigaas oo ah 1-da June 2016-ka” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

 

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay inuu heshiiska markii hore la galay balse markii dambe culays Xisbigiisa kaga yimid uu u diiday inuu saxeexo. Waxa uu sheegay in maqnaanshaha Waddani keenayso dhibaato ku timaada go’aanka Ucid iyo Kulmiye isla gaadheen.

 

”Saddexdayada Xisbi Waxaanu isla gaadhnay Go’aan aanu guurtidu u soo jeedinaynay, Guurtidu waa Hay’ad dastuuri ah oo iyadaa awooddaas leh laakiin soo jeedin baanu ku leenahay, waxaanuna filaynay saddexdayada Xisbi waxaanu ku heshiinno inay noqoto mid miisaaman oo tixgalin leh.

 

Jimcihii shalay ayay ahayd inaanu wada saxeexno go’aanka aanu ku soo heshiinay ee aanu wada qornay ,waxaase naga maqnaaday gudoomiyaha Waddani(Cabdiraxmaan Cirro), Saakaanu ballannay oo gudoomiyaha guurtiduna naga aqbalay laakiin Saakana gudoomiyaha waddani wuu cadhooday” ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi.

 

Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo isna arrintan ka hadlay ayaa Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadda ku eedeeyay inay hawshoodii ka seexdeen “Waxaa caado inoo noqotay inaynu markasta dawlad xilkeedii ka soo bixi wayday aynu jaa’isad u siino muddo kordhin. Waxaa nasiib darro ah Kulmiye oo la ogaa dagaalkaanu 2009-kii ka wada galnay in wakhtiga loo kordhiyo Xukumaddii Rayaale in maanta isagii markuu kursiga fadhiistay aanu ka shaqayn sidii doorasho u dhici lahayde intuu iska seexday markii u dambeysay ay iska yidhaahdeen Guurtidaay ka soo taliya”

 

 

Gudoomiyaha Ucid, ayaa muddo kordhinta Cusub ee Ucid iyo Kulmiye saxeexay ku sababeeyay arrimo ay ka mid yihiin Shuruucda Wakiilada ee aan la ansixin iyo duruufo farsamo uu sheegay inaanay u muuqan Komishanka markii hore balse hadda ay isla garteen in doorashada laga dhigo dhamaadka 2016-Ka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>