“Walaalayaal,Wadajir Wanaagsan Way Inoo Socon Wayday Riyadii Somaali-weyna Way Dhamaatay Ee Yaanu Wakhti Danbe Idinkaga Lumin, Xaqiiqada Jirtana Ha Iska Indho Tirina” Cabdirashiid Xasan Mataan

 

(Duulnews)-Ku-Xigeenka Musharaxa Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,ayaa sheegay inuu ugu hanbalyaynayo Xukuumaduu Somaliya xuska Sanad-guuradda 55-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xoriyadooda ka qaateen Gumaystihii Talyaaniga.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga ayaa madaxda Somaliya ugu quustay gooyay inay maankooda ka jaraan Somaliland,isla markaana aanay jiri doonin dib-isku-soo noqosho danbe oo ay Somaliland iyo Somaliya ku Midoobayaan.

 

“waxan hambalyo u dirayaa walaalaheena Somalia debaaldega 55aad ee maalintii xornimada. Waxan u rajaynayaa in ilaahay gaadhsiiyo dawladnimo nabad iyo kala dambayn leh.

 

Walaalayaal wadajir wanaagsan way inoo socon wayday riyadii Somaaliweyna way dhammaatay ee yaanu waqti dambe idinkaga lumin, xaqiiqada jirtana ha iska indho tirina, S/land waxay qaaday dhabihi ay qaadeen walaalaheenii kale oo ah in ay iskood wax u noqdaan iskaashina la yeeshaan inta kale, idinkuna iimaansada oo isku tashada inaad iskiin wax u noqotaan iskana dhaaftaan sheegashada aan raadka lahayn balse aynu noqono dawlado jaara oo iskaashada sida walaalaheena Djibouti, Kuwa Ethiopia iyo kuwa Kenya”. Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>