war deg deg ah: in k badan 200 oo tahriibayaal ah oo dhintey kedib markay degtey doontii sidey badda Mediterranean -ka

boast_capsizing
Italy Mediterranean(Duulnews) In ka badan 200 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ka dib markii Dooni  ay la socdeen ku degtay badda Mediterranean ka, hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ayaa sheegtay.Sagaal qof ayaa la badbadiyay  afar maalmood ka dib markii badda ay ku jireen . halka 203 kale ay baddu liqday badda oo aad u kacsanayd awgeed. afhayeen u hadlay UNHCR ee Italy, Carlotta Sami, ayaa ku sheegay Twitter-kiisa.Waxay xaaladda ugu yeedhay musiibo aad u xun oo aad u weynIsniintii , ugu yaraan 29 muhaajiriin ah ayaa ku  geeriyooday kadib markii doon ay saarnaayeen la Gadoontay mawjadaha badda oo kacsanaa awgeed.

Todoba ayaa dhintay markii ay lagasoo qaaday meel dhow jasiiradda Talyaaniga ku taalla ee Lampedusa, kadib markii ay 18 sacadood heehaabayeen badda dhexdeeda, halka qaar kalan ilaa hada La la’yahay,

Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka ayaa sheegay in ay laba doomood oo ku lug lahaa musiibadii ugu dambeeyay ee ka Degey xeebaha Liibiya Sabtidii.

IOM ayaa sheegtay in doon walba ay saarnaayeen in ka badan 100 oo qof markii ay degtey, maalintii Isniintii.

Sagaalka badbaaday aya dhamantood waxay ku hadlaan Faransiis ah, waxaana la aaminsan yahay in ay ka soo .

 Deeq Osman
Duulnews
Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>