Wargeyska Guardian Oo Baahiyay Xogo Muujinaya In Meelaha Somalia U Fasaxday Isbahaysiga Sucuudigu Hogaamiyo Berbera iyo Boosaaso Ku Jiraan

Gadia(Duulnews)-Wargeyska The Guardian, oo soo xiganaya ilo dhanka amaanka ah oo Muqdisho ku sugan iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia, ayaa sheegay in Badda,Cirka iyo Dhulka Somalia u fasaxday isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo ay ku jiraan Magaalada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland.

“Ilaha Muqdisho ku sugani waxay sheegeen in Magaalada Boosaaso ee Waqooyi bari Somalia ku taala iyo Magaalo xeebeeda Berbera ee ku taala Somaliland oo Somalia ka go’day loo isticmaali doono hawlgalka Isbahaysiga, sababtoo ah labaduba way u dhaw yihiin Yemen” ayuu Wargeysku ku sheegay Warbixintiisa.

Xasan Nuur oo ah Aqoonyahan falanqeeya Siyaasadda ayaa Wargeyska Guardian u sheegay in sababta kali ah ee Somalia u gashay dagaalka Yemen tahay sidii way wadamada Saliida qaniga ku ah Lacag ugaga heli lahayd “Sababta qudha ee Soomaaliya u taageertay Sucuudigu waa inay ka hesho dhaqaale, maadaama ay dagaalka hogaaminayaan dalalka qanniga ah ee Carabtu, waxaanna la eegay oo qudha sidii lacag loo heli lahaa.”ayuu yidhi Xasan Nuur.

Wargeyska ayaa sidoo kale soo xigtay Wasiirka Khaarajiga Somalia Cabdisalaan Hadliye oo Salaasaddii la hadlay “Waxa aannu ka werwersanahay xaaladaha qalafsan ee ka jira dalka Yemen, iyadoo dhibaatooyinka ka jira Yemen ay qaar la mid ah ka taagan yihiin Soomaaliya, sidaas darteed, ma daawan karno xaaladaha qalafsan ee ka taagan, waxayna kooxaha Xuutiyiintu isku dayayaan inay afgambiyaan dawladda sharciga ah ee Yemen, waxaanna dalalka Carabta ay masuuliyad ka saran tahay inay badbaadiyaan, Soomaaliya-na door ayey ka qaadanaysaa in dhibkaas la soo afjaro,”

Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia intii lagu jiray shirweynihii Carabta uu kulamo gooni ah la yeeshay Wadamada Sucuudiga,Masar iyo Yemen, kuwaasi oo uu kala hadlayay arrinta Fasaxa Somalia siisay hawlgalka.

Dawladda Somaliland ayaa hore u sheegtay inaanay jirin cid kala soo xidhiidhay isticmaalka dekedda Berbera iyo Madaarada Somaliland balse haddii lagala soo xidhiidho ay ka arrinsan doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>