Wasaaradda Arimaha Gudaha, Budhcad Dhididkii Dhallinyarada Musuqay

WWWW(Duulnews)-Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland waxay bilawday diwaangelinta madaniga ah bishii sagaalada ee sannadkii hore, waxa shaqada hirgeshay oo ku guntaday dhallinyarada jaamacadaha oo u huray naftoodi iyo waqtigoogi qaaliga ahaa, diwaangelinta madaniga oo ahayd wejiyo badan dano badan laga lahaa laguna majara hababinaayay diwaangelinta codbixiyaasha oo aan dacad laga ahayni waxay ka bilaabantay gobolka marodi jeexe magalada hargaysa, diwaangelintan oo haddi xukumadeena faanbadan ay daacad ka ahaan lahayd noqon lahayd mid dhaxal gala nasiib darose noqotay laalb la kac hanta badani ku luntay oo dano badanina daaha dabadooda ku jireen.

Waqtigii shaqdu bilaabmaysay waxa laysku maandhaafay mushaharada dhallinyarada oo markii hore loo sheegay qiime mushahar ay ku hawlgeli dooan ayaa markii tababaradii dhamaadeena loo yeedhiyay qiimo ka gedisan kii hore. Dood falaanqayn iyo wadahadalo maalmo qaatay dhalllinyaradu way ku qancin kari waayeen madaxda wasaradda arimaha guduhu mushahar dhimidaas waqtigii horena beenta kula balamay, masuulinyn badan oo ka ergeeyay way u garaabeen dhallinyarada cabashadoodu macquulka tahay ugu danbayntiina waxa si gobonimo geesinimo iyo nafhurid leh u tanasulay dhallinyaradii oo isku qanciyay inay qarankooda gashadaan dhididkooda xalaasha ah oo ay ku shaqeeyaan qiimaha wasaradu u sheegtay culays kasta haku ahaadee.

Qorshaha diwaangelinta oo aan ku curan fikir fayoow iyo maan daacad ah oo aanay xukumadu uga jeedin waxqabad iyo diwaangelin dan umadeeda ujeedad keliya ee loo fool eryay diwaangelintuna ahayd si loogu dabro doorashada oo ay caqbad ugu noqoto diwaangelinta codbixyayasha ayaan xil weyni oo xisaabtan lehe layska saarain, taasina waxay muuqatay maanta markii waxkasta u kala cadaadeen si dhaba, murugii iyo dabinkii maalinta loo maleegay doorashaduna waaka maanta dalka ka taagan ee maarahiisu meesha adag maraayo. Xukumadda hadda iyo horaysaba midna daacad kamay ahayd diwaangelinta madaniga ah, waxa aragagax iyo aayo la’aan ku abuurtay dhallinyarada

 

Afxumada arxan darada iyo hatigaada Waranacadde waxay dhalinyarada ku riday quus ay ka qaadeen dalkooda hooyo, halkii dhididkooda laga siin lahaana masuulba masuul ayuu ku tuuray, marka ay cawdaana waxa loogu jawaaba xadhigi iyo hiif, garo oo waxa ay raadinayaan maaha waxa kale waa xaqoodi qaranka ay ku lahayeen, is waydiintu waxay tahay halka la marshay mushaharkii dhallinyarada waxa marag madoonase in la musuqay oo laga cunay, ceebtaasina waxay dul hoganaysaa wasiir warancadde oo aan masuuliyad iska saarin barbraatas dhiban.

 

 

Dhallinyaradu waxay shaqada bilaabi jireen sideeda subaxnimo ilaa shanta galabnimo waxaanay u shaqayn jireen si mutadawacnimo waddaniyada iyo dal jacayl ku dheehan yahay, bishii saddexaad dhallinyarada kooxo ka mida waxay u baxeen deegaanada ku teedsan magalada hargaysa halkaas oo ay ka bilaabeen shaqadii diwaangelinta, dhallinyarada oo ka tagay guryahoodi oo aan la siin masruuf iyo mushahartoona ayaa u badheedhay oo ka hawlgalay tuulooyinkii lagu qoray, waxay cunada iyo cabida ka amaanahn jireen dabakaayooyinka deeganada ay joogan halkaas oo lagu aaminay shaqada ay waddan waxase soo afmeermay aaminkii laga qabay markii wasaradu mashaharkii usoo dirwayday laba bilood oo isku xiga si aanay ugu baqtiyin dhamaan dhallinyaradi waxay kusoo noqdeen xafadahoodi iyagoo daymaysan. Garawshiiyo iyo gar ma jirto wasradda arimaha guduhuna waa budhcad dhididkii dhallinyarada musuqay.

 

Diwaangelintii way istaagtay wasradda hadalkeeda iyo galgalashadeeduna waa eed iska leexin dhallinyaradi shaqada wadi lahaydna waakuwa bilaa mushaharka ah ee wasaradda arimaha gudaha ku laba jeer noqonaya ee aan ila hadda hayn waxa yididiilo ah, ka hadal ee rabitaankiisa caddeya waa u xadhig iyo hanjabaad aan xaq loogu lahayn caddalada ay raadinayna waatas manta halkaa maraysa ee duudsisay xuquudii dhallinyarada dhididkoodina ay u la’ yihiin masuuliyintuuna indhah ka qarsanayaan.

 

Mushaharkii dhallinyarada la siin lahaa waati wasaradu ku gashay ololihii weji ku macaashaka hooyoo hadal ee lagag hawl galay in lagu abaabulo odayaal ku tiraba in muddo kordhinta xaaranta ahi xalal tahay, musharka ay dhallintu baadi doonaysaa halkaasu maray waxaan ku tagrifalay wasiir waranacdde oo xil jecaylku ilawsiiyay samo badan, waxaana lagu tilmaama wasiirka ugu guul wadaysan wasiirada xukumadda.

 

Dhalinyarada halgamayaasha ahi waxay hawshii diwaangelinta u guteen si xilkasnimo leh balse nasiib daro wasaaradda arrimaha gudaha ee uu gadhwadeenka ka yahay warancade dhalinyaradii shaqada qaran waday muddo Laba bilooda oo bishii saddexaadna hadda socoto may siin mushahar taasina waxay keentay in dhalinyaradii ay kasoo guryo noqdaan goobii ay shaqooyinka ka wadeen markii kuwii tuulooyinka iyo dagmooyinka joogay loo qabsaday qutal daruurigay cunayeen shaqaalii magaalada gudaheeda ee bas iyo cuntaba iyagu isu qabayna ayku adkaatay duruufii nololeed dhalinyartan oo ka kooban 22hablood iyo ku dhawaad 25wiil oo ah kuwii banaanka magaalada ka shaqaynayay markay wasaaradii iyo wasiirkii usoo cawdeena waxa lagu wargaliyay inay shaqadi ka dhamaatay mushaharkoodina aan gacanta loogu hayn ee ay muddo sugaan kadib mudo todobaada markay dhalintii maqnaayeen agaasimihii guud cabdisamad wuxu ku wargaliyay inaanu waxba uhayn ee ay wasiirka la xidhiidhan wasiir warancadana waxa uu cabashadoodii kaga jawaabay inuu asakartii ku balamiyo kidinka wasaaradana loodiido 4wiil oodhalinyartii kamidana uu xabsiga dhexe utaxaabo ,dhalinyartaa dulman oo maalmihii udambeeyay isdaba habqamayay wasaaradaha qaranka hortooda ayaa ah qaar xaaslay ah danyar waalidkood u adeegta guud ahaan waxay sharaf dhac ku tahay qaranka Somaliland dhacadadani.

 

Dhalinyartan duugsiga budhcad nimada ah ee aan gabashada lahayn uukula kacay wasiir warancadde iyo dawlada somaliland waana dhabar jab dhalinyarada ku keenidoona inay dalkan faaruqiyaan badahana ku le’daan maadaamoo xaqoodii la duudsiyay Hawshii qaranka iyo tacabkii dhalinyartaasina wuxu noqon fashil iyo hal bacaad lagu lisay maadaamoo awalba dawladu aanay daacad ka ahayn hawshaa Waxaanu cod dheer ku leenay dhalinyartaa xaqoodii iyo dhididkoodii dawladu degdeg haw siiso waanu ka xunay tacadiga lagu hayo iyo in cabashadoodii xadhig lagaga jawaabo

 

 

Afhayeenka Dhallinyarada Xisbiga Waddani

 

Maxamed Sadiiq.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>