Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Dalka Kenya Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Korodhka Ka Ganacsiga Foolka Maroodiga Iyo Kooxa Gooni-U-Goosadka Ah Oo Ay Ku Eedaysay Inay Gacan Ku Leyihiin.

Maroodi(Duulnews)-Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in lacagaha laga helo ugaadhsiga sharci-darrada ee duur joogta lagu maalgaliya kooxda gooni u goosad-doonka ee bariga dalkaasi. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaiserry ayaa sheegay in 14 qof loo xidhay fool maroodi laga qaaday Kenya oo si qarsoodi ah loogu dhoofiyay dalka Thailand. Kadib markii maamulka dalka Thailand ay qabteen shixnad fool maroodi ah oo u dhiganta malaayiin doolar, ayaa dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay hayso sirdoon falkaasi la xariirinaya kooxda gooni u goosad doonka ee MRC ee xeebta Kenya. Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay argatay xidhiidh sii kordhaya oo ka dhaxeeya ugaarsiga sharcidarrada iyo iyo falal dambiyeedka ay ku jirta argagaxisada. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan walaac ka muujiyay koraraka ka ganacsiga foolka maroodiga ee Bariga Afrika, waxuuna ballan qaaday in uu tallaabo ka qaadi doono kuwa lagu hela dambiyadaasi xitaa hadii ay ka tirsanyihiin dawladdiisa. Dawalda Kenya ayaa marar badan ku eedeeysay kooxda MRC in ay weerara ka gaystay xeebta Kenya, eedeymahaasi oo kooxdu ay si wayn u beenisay. MRC waxa ay ku doodaysaa in la gacan bidixeeyo bulshooyinka ku nool gobalka xeebta, waxa ayna sidaasi darteed ku dalbanaysaa in gobalkaasi uu ka goosto Kenya inteeda kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>