Wasiir Cali Siciid Raygal Oo Xili Ay Su’aali Ka Taagan tahay Sharcinimada Xukuumada Uu Ka Tirsanyahay U Cayimay Qabashada Tartanka Ciyaaraha Goboladda Ee Kubada Cagta

raygal(Duulnews)- War ka soo baxay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal,ayaa lagu sheegay in qaybta dambe ee Sanadkan  Wasaaraddu qabanayso Ciyaaraha Gobolada,iyadoo lagu waday in badhtamaha sanadkan dalka ay ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

Tartanka Gobolada oo Sannaddadii la soo dhaafay wasaaraddu qaban kari wayday ayaa sidoo kale wasiirku soo rogay in hadda laga bilaabo labadii sannaba mar la qaban doono Tartanka Gobolada,halkii hore looga qaban jiray sanadkiiba mar.

Warka Ka Soo baxay Wasaaradda

“Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasada xukuumada iyo dar-dar gelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar garaw xoogan oo ka duwan kuwii hore awgeed, waxaa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomaya haddii Alle Yidhaahdo bisha August sannadkan 2015. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomida tartankan oo ah ka ugu baaxada weyn Dalka ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo baddan, waa wakhti hadii Eebe Idmo ay bisha Ramadaan dhamaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaadaan Qurbo joog aad u tiro baddan.

Haddaba waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada shaqayn leenahay inay ku diyaar garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinay.

Hadda laga bilaabo tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono Insha Allah. Waxaanan rajaynayaa in tartankan soo socda iyo kuwa ku xigaaba inoogu qabsoomi doonaan hanaan qurux baddan oo nabadgalyo iyo xasilooni ah.

ALLAA MAHAD LEH

Cali Siciid Reygal

Wasiirka WHDC&Dalxiiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>