Wasiir Ku-xigeenkii Qorshaynta Qaranka Oo Xilkii Iska Casilay.

Hargaysa: (Duulnews)- Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL, Md. Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan,ayaa iska casilay Xilkii Wasiir Ku-xigeenka ee uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Sidaan-na waxa uu ku sheegay Qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,waxaan uu u dhignaa sida tan:

“Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.

 

Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.

 

Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland”. Ayuu yidhi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>