Wasiir Xirsi-ga Madaxtooyadda Ka Hadlay Kulankii Magaaladda Adis-ababa Ku Dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethopia

Hargaysa:( DUULNEWS)-Illaahay ayaa mahadle oo waxaan soo nabad gaadhnay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa kadib markaan kasoo laabanay safar shaqo oo aan laba maalmood ku joognay Caasimada dawlada Ethiopia ee Addis Ababa.

Waftigan oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud, Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehlinayno xubno kamida golahiisa Wasiiradu ayaa ujeedadiisu ahayd adkaynta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada:

– Ganacsiga , Xoojinta ilaalinta nabadgelyada iyo Iskaashiga horumarka

 

Waftigan oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxda uugu saraysa dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia ayaa waxaa si milgo dawladnimo huwan u qaabilay Ra’isal Wasaaraha dawlada Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ay wehelinayaan xubno sare oo ka socda dawlada Ethiopia

 

Dawlada Ethiopia ayaa dhankooda adkeeyey qiimaha ay u hayaan Dawlada Somaliland iyo kaalinta ay Somaliland kaga jirto ilaalinta amaanka mindaqada guud ahaan sidoo kalena xusay in Somaliland ay hiil iyo hormuud u tahay nabada iyo dimuqraadiyada.

 

Kulankan ayaa wax badan ka tari doona dhinacyada xoojinta xidhiidhka diblomasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>