Wasiir ZAMZAM Oo Oodda Kasoo Qaaday Shaqaale Wasaaradda Warfaafinta Rabshadd Ka Sameeyay Oo La Xidhay

samsam(Duulnews)-Todoba xubnood oo ka mid ahaa hawl-wadeenadda Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo maanta rabshado gacan ka hadal ah ka sameeyay xarunta Wasaradaa gaar ahaan xafiiska Wasiirka Warfaafinta, oo ay ciidanka boolisku soo xidheen, ayaa sheegay in caawa saldhigii booliska ee ay ku xidhnaayeen ay ka sii daysay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Adan, oo gacan siinaysa Maareeyihii hore ee xilka laga badalay ee Telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas. iyada oo aan Wasaaradda Warfaafinta, iyo Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, toona laga tallo-grlin sii dayntooda.

Masuul ka tirsanaa asuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo goob joog ahaa ayaa Hadhwanaagnews, u sheegay in Shaqaalaha la xidhay ay ku kaceen rabshad iyo xaalad abuur, iyaga oo si jujuub ah oo hujuum ah u galay xafiiska Wasiirka Warfaafinta oo xilligaa ay ku sugnaayeen Madaxda sar-sarre ee Wasaarada Warfaafinta, oo kala ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Marwo Shukhri Xariir Ismaaciil, Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Ilko-case, Agaasimaha Idaacada Radio Hargeisa, Maxamed Siciid Muxumad, Tafatiraha guud ee Telifishanka Qaranka Somaliland, Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar), Agaasimaha Waaxda Farsamada ee Wasaarada Eng Axmed Saleebaan Weyne, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Mowliid Maxamed Shaqale, Madaxa Barnaamijyada Telefishanka Qaranka Xuseen Cabdilaahi Deeqsi, Madaxa Wararka Telefishana Qaramka Abiib Iimaan Xasan, La-taliyaha koowaad ee Wasiirka Warfaafinta Mr Wayab, Ku xigeenka labaad ee la taliyaha Wasiirka Warfaafinta Rashiid Lugay, Iyo suxufiga weyn ee ruug cadaaga ah Yoonis Cali Nuur

 

Masuulkan goob jooga ahaa waxa uu intaa ku daray, in ciidamada booliska Somaliland, markii ay ka war haleen rabshadahaa gacan ka hadalka ah ee ay dhallinyaradani ku kaceen in xarunta Wasaradda Warfaafinta uu soo gaadhay Taliyaha guud ee ciidanka Somaliland Jeneraal Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo ay la socdaan Afar sarkaal oo sarsare oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka Booliska, iyo Taliyaha saldhiga booliska ee Dalooldho.

 

Taliyaha booliska Somaliland, iyo saraakiisha la socotay markii ay soo gaadheen xarunta Wasaarada, waxa ay kulan la qaateen Taliyaha booliska ee xerada Wasaaradda Warfaafinta, oo uga xog waramay sidii ay u dhacday rabshadan ay dhallinyaradani ku kaceen.

 

Masuulkan goob jooga ahaa waxa uu xusay in Maareeyihii hore ee Telefishanka Qaranka, oo intii ay rabshadahani socdeen oo dhan ku sugnaa xafiiskiisa uu ku leeyahay xarunta Wasaarada oo aanu mar kaliya dibada uga soo bixini, markii uu ka war helay imaatinka saraakiisha sarsare ee bilayska in uu dibada u soo baxay oo uu soo raacay Taliyaha booliska, kaddibna, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Iyo saraakiishii la socotay oo uu weheliyo Maareeyihii hore ee Telefishanka qaranku, waxa ay kulan la qaateen Madaxdii sar sarre ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta, kaasoo ku saabsannaa xog-waraysi la xidhiidha qaabkii wax u dhaceen.

 

Waxa uu tibaaxay masuulkan ka tirsanaa masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ee goob jooga ahaa in Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), uu Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, iyo saraakiishii la socotay uu uga xog-waramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo Wasiirku u sheegay Taliyaha in shakhsiyaadkii maanta rabshadan ka dhigay xarunta Wasaaradu ay ahaayeen koox yar oo carruur ah oo degan xaafadda Idaacada iyo nawaaxigeeda oo uu Wasiirku sheegay in ay si gaar ah ugu xidhan yihiin Maareeyihii hore ee xilka laga badalay ee Telefishanka qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas.

 

Xog-warankaa ku saabsanaa qaabkii ay rabshadu u dhacday ee uu Wasiirka Warfaafintu siiyay Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, ayuu masuulkani noo sheegay in uu si weyn uga cadhooday Maareeyihii hore ee Telefishanka qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, taas oo sababtay in uu si aad ah u caytamo, balse, ciidanka booliska ee goobta ku sugnnaa ayaa markiiba Maareeyaha hore si degdeg ah dibada uga saaray madashii xafiiska ee ay ku shirayeen Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta iyo taliyaha ciidanka boolisku.

 

Dhinaca kale, Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Hadhwanaagnews u sheegay, in Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somalilnd, ay sidoo kale isla caawa hakisay oo ay dib u dhigtay qorshe la filayay in maalinta beri ah xilka loogu kala wareejiyo Maareeyihii hore ee Telefishanka qaranka iyo Maareeyaha cusub ee uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan xilkan u soo magacaabay, iyada oo la sheegay in Wasiiraddu dib u dhigtay xil-wareejinta illaa xuska 18-ka may kaddib, ka hor mudaddaasna uu xilka Maareeyaha Telifishanka qaranka uu sii hayn doono Khadar Cali Gaas, oo ah Maareeyihii hore ee xilka laga qaaday.

 

Saxaafada Somaliland, oo si weyn ugu dawakhday in ay arrintan wax ka weydiiso Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino dhacdadan, balse noomay suurta-gelin

 

Sida uu Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, u sheegay masuul ka mid ah Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta, waxa la filayaa in maalinta beri ah uu arrimahan ka hadli doono Wasiirka Warfaafinta Somaliland,Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

 

Si kastaba ha ahatee, soo deyntan ayaan ahay mid laga tallo-geliyay Wasaarada Warfaafinta, sidoo kalena u muuqata in aan la tix-gelinin go’aankii ciidanka nabad-gelyada boolisku ay danta u moodeen xadhiga hawl-wadeenadan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>