Wasiir Zamzam Oo Shaqaddi Ka Caydhisay Maamulayaashii Kastamadda Kala-baydh Iyo Abaarso

samsam(Duulnews)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa Xilalkii ka qaaday qaar ka mida Maamuleyaasha Kastammada Kala-baydh iyo Abaarso.

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyadoo ka duulaysa Siyaasadda dhaqaalaha ee Somaliland, isla markaana toddobaadkii la soo dhaafay waday Olalaha Cashuur aruurinta, ayaa waxa ay is-bedel ku samaysay qaar ka mida Maamuleyaasha Kastammada kala-baydh iyo Abaarso,kuwaasoo ay muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhac ku yimid dhaqaalihii ka soo xarroon jirey.

Inkastoo aan hellin warqadii rasmiga ahayd ee magacaabista iyo xilka qaadista ee ka soo baxday Wasiirka Maaliyadda Somaliland, haddana ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyey Xilka qaadista Xubnahan iyo

Magacaabista Masuuliyiintan.

Wasiirka Maaliyaddu Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay Maamulaha kastamka Abaarso ee Checking-ka u magacaabay Maxamed Ismaaciil Organ-sayle, halka ay Maamulaha Kastamka kala-baydh u magacaabay Axmed Gaaxnuug Cali, halka ay Maamulle ku xigeenka kastamka kala-baydh u magacawday Cabdi Muuse.

Si kastaba ha ahaatee Xilka qaadista uu Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyey Xubnahan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso hoos u dhac balaadhan oo ku yimid Dakhligii ka soo xarroon jirey labada Kastam ee Kala-baydh iyo Abaarso.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>