Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka Hadlay Burburkii Ku Yimid Wadahadalada Labada Dhinac,Si Adagna Hoosta Uga Xariiqay Muhiimada Gooni-isu-taaga JSL.

Biixi(Duulnews)-Wufuuddii Somalia iyo Somaliland u kala matalaysay Wada hadalada Burburay ee Turkiga, ayaa haatan ku soo kala jeeda Muqdisho iyo Hargeysa. Labada dhinac ayaa markii wada hadalku fashilmay dhinacba dhinaca kale ku Eedeeyay Masuuliyadda Wada hadalada Guuldaraystay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo kadib burburka wada hadalada la hadlay Wariye Nuur Bukhaari oo ah wariye Madaxbannaan kuna Sugan goobtii Shirku ka dhici lahaa, ayaa sheegay in Somalia iyo Turkigu sii ogaayeen inaan Somaliland hor fadhiisan doonin inta Qolada reer Somaliland ka mid tahay Weftiga Somalia,sidaas darteedna Somalia u kastay Burburka wada hadalka.

“Waxaa shirkaasi Burburiyay Ragga faraha badan ee reer Somaliland ee ay Weftiga Somalia ku soo dareen, waanu kala hadalnay markaanu aragnay Liiskooda intii aanan Iman, telefoonno ayaanu kula hadalnay, Turkigaanu kala hadalnay waanuna u sheegnay inaan aqbalayn, waanay ogaayeen intaanay soo bixin, markay halkan yimaadeena waxaanu u sheegnayn inaan inta Afartaas Nin ee Reer Somaliland idinku jiraan Shirka Hawada iyo ka Siyaasadda Midna idinla gali mayno. Dawladda Turkigu way Ogayd intaanay soo bixin ba Meesha Somaliland ka taagan tahay wayna nooga garowday oo Nin Asalkiisu yahay Somaliland waa Nin Xamar iska tagay” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka ayaa sii iftiimiyay Mawqifka Somaliland “Mawqifka Somaliland waxa weeye waa dad jecel inay Qaddiyaddeeda ku dhamaystaan Wada hadal iyo Walaalnimo, 25 sanno ayaanu kala maqanahay, umana soo socono Muqdisho, waxaanuna doonaynaa inaanu noqono sidii horeba aanu u doonaynay Wadan gaar ah”

Wasiirka Warfaafinta Somalia oo isagu ka mid ah Xubnaha Shirku dartood u Burburay ayaa ku dooday inuu Somaliland iyo Somalia ba dan u ahaa, islamarkaana aan Somalia cidina u soo xulayn cidda u matalaysa wada hadalada.

Labada dhinac ayaan sheegin rajada laga qabo Wada hadalo dambe, sidoo kalena dawladda Turkiga ayaan wax war ah ka soo saarin wada hadalada fashilmay. Wufuudda labada dhinac ayaa talo kula noqonaya Madaxda ay ka yimaadeen ee Shirka u wakiishay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>