Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Beeniyay Inay Xukuumaddu Kaga Baxday Xisbiyadda Heshiiskii Lagu Soo Af-jarayay Muranka Ka Taagan Muddo-kordhintii Golaha Guurtidda

Hargaysa: (Duulnews)- Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Xisbiyada Mucaaradka Somaliland inay ka shaqeeyaaan sidii Xisadda Siyaasaddeed ee Dalka ka aloosan lo dajin lahaa,isla markaana is-afgarad loogu dhamayn lahaa muranka ka taagan Xiliga ay rasmi ahaan tahay inay Dalka ka qabsoomaan Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Wakiiladda.
Wasiirka arimaha Gudaha Somailand Cali Maxamed Waran-cadde oo manta qeybaha Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa Magaaladda Hargaysa,ayaa meesha ka saaray inay Xukuumaddu kaga baxday Xisbiyadda Mucaaradka ah Heshiiskii ay dhawaan kala saxeexdeen Labadda dhinac eek u aadanaa Khilaafka Muddo-kordhinta Xukuumadda ee ay Golaha Guurtidda Somaliland dhawaan sameeyeen,taas oo ay si weyn uga biyo-diideen Hogaanka Mucaaradka Somaliland iyo Beesha Caalamku.
Wasiirku waxa uu shirkiisaa Jaraa’id ku sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay ka go’antahay in la gaadho Xal siyaasadeed oo loo dhan yahay,isla markaana ay ka dalbanayaan Mucaaradka inay kala shaqeeyaan sidii Golaha Guurtida ugu qancin lahaayeen sidii ay isu-waafajin lahaayeen Go’aankooda Dastuuriga ah iyo Xalka Siyaasadeed ee laysla gaadhay.
Si kastaba ha ahaatee, Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ayaa iyagu waxay si toos ah ugu Eeedeeyeen Xukuumadda iyo Xisbigeedaba inay kaga baxeen Heshiiskii ay wadagaleen iyaga oo beesha Caalamkana Baaq u diray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>