Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Duray Baaqa Xisbiyada Ee Ku Aadan In Aanay Xukuumada Aqoonsayan Waxii Ka Danbeeya 26 June,2015-ka,Dib u dhac ku yimaada Doorashadana ku Riixay Beesha Caalamka

warance(Duulnews)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka Hadlay Hadalada ka Soo yeedhay Asxaabta Mucaaradka ee Sheegaya in Xukuumada Marka uu xilku ka dhamaado dawlada Wadaag Ah la dhiso.

 

Waxa uu Asxaabta mucaaradka Ku sifeeyay qaar Amniga iyo Jiritaanka Somaliland Siisanaya Kursi isaga oo sheegay inaanu Shacabk Yaabi Doonin ee Iyagu Yaabi Doonan.

 

Dhinaca kale waxa uu war-war ka Muujiyay Kaadhkii Lagu Codayn Lahaa oo loogu talo Galay in Ladhameeyo 6 bilood ka Hor inaan wali La Bilaabin,waxaana uu qiray Haay’adihii Lasiin Lahaa In ay Dacwadi ka taagan tahay,waxaana uu ugu Baaqay Haay’addaha Daneeya Doorashada in ku Dadaalaan Sidii Doorashadu ku dhici lahayd.

 

“Halkan waxaan ka Cadaynayaa In

 

 

 

 

Wixii Lagu Gali Lahaa Doorashada ay Dhamaysay Xukuumada Somaliland Si Aanay u dhaafin Sanadka 2015Ka,Lacagta Doorashada ku Baxaysaa way Badan tahay Qayb waxa qaadatay Dawlada Somaliladn Qaybna waxa Qaadatay Bulshada Caalamka,Halkan waxaan ka cadaynayaa Qaybtii ku Aadanayd Xukuumada somaliladn In ay ku dartay Bajadka 2015ka,waxaad ogtihiin Sharcigeenu dhigayo Qof Aan somaliland Ahayn inaanu Doorasho Dalka ka gali Karin oo Ah diwaan Galinta inuu isna Yahay mid Gabaabsi Ah,waxaana ay dhamaanaysay inta Aan doorashada La gadhin.

 

waxa uu intaas ku daray wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade.”Golaha wakiiladu Waa Gole Sharcigu soo doortay oo Sax Ah, lakiin Wixi ka Danbeeyay Fadhiga uu Maanta ku fadhiyo,Si loo helo Cadaalada iyo Sinaan madaama oo Wakiilkii Umada Yihiin,waxaana La doonayaa in Si Cadaalada Ah loo soo doorto Baarlamaan Kale Dadkuna Ka yimaadaan gobolada,Taasna waxa Sheegaya Sharci Odhanaya waakan Maanta Fadhiyee waa in Ay sameyeen Sharcigii Lagu Soo dooran Lahaa.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Ayaa Sheegay in Ay Xildhibaanada wakiilada Golaha Fadhiyeen Toban Sanadood,Kuwaas oon Marnaba Samayn Xeerkii Lagu Dooran Lahaa,Waxaana uu ku xidhay Doorashada Aasaasna ugad Dhigay wasiirku In ay Sameyeen Xeerkii Lagu Dooran Lahaa.

 

“Runtii Baarlamanku Shantii Sano ee loo kordhiyay iyo Shantii hore ee ay Fadhiyeen Tobankaas Sano May Samayn Sharcigii Lagu Dooran Lahaa oo ilaa imika ay ka hadhay 4 Bilood oo kaliya,Asaasna waxa ay u tahay in Ay doorasho Dalka ka dhacdo.

 

Dhinaca kale waxa uu war-war ka Muujiyay Kaadhkii Lagu Codayn Lahaa oo loogu talo Galay in Ladhameeyo 6 bilood ka Hor inaan wali La Bilaabin,waxaana uu qiray Haay’adihii Lasiin Lahaa In ay Dacwadi ka taagan tahay,waxaana uu ugu Baaqay Haay’addaha Daneeya Doorashada in ku Dadaalaan Sidii Doorashadu ku dhici lahayd.

 

“Waxaan Aad uga Xumay kaadhii Lagu codayn Lahaa ee la Doonayay in La bilaabo Lix Bilood ka Hori naan ilaa hada Aan Halkiiba Laga Qaadin,Anaga oo wax badan ku heshiinay Deeq Bixiyaasha in wakhti Hore La bilaabo,Marka Laga Reebo Shirkado Lasiiyay Qandaraaska oo wali khilaaf ka taagan yahay Dacwadna wali Jirto,waxaana ugu Baaqayaa hay’addaha Daneeya Doorashada in ay Dhameeyaa Wixii kaga Beegan,

 

Sidoo kale Hadalkii Ka soo yeedhay Asxaabta Mucaaradka ee sheegayay in Lasameeyo Dawlad Wadaag Ah waxa uu ku sifeeyay Cali Maxamed Waran Cade Qaar Aan Garanayn Waxa ay tahay dawlad Nimadu,iyaga oo Hamuun Kursi Qabana Dhaawac u gaysan Kara Dalka somaliland.

 

“waxaan maanta Halkan ku sheegayaa inaan ugu Quus Gooyo Asxaabta mucaaradka,waxaanan leeyahay Dalkani waxa uu leeyahay Nidaam Dawladeed oo la iska Soo dhaxlay,waxaana ay dawladani ku timadaa Shacab Soo doortay Dawlada Wadaagna Lama Samayn Karo,waxaana Dawlada Xilka Haysa Ka qaadi Kara uun Shacab Ka Codeeya oo Kalsoonida Siiyaa,Lakiin inta ka Horaysa Cida awooda iska Leh waa La Garanayaa.

 

waxa uu intaas ku daray.”dadku Yaabi Maayo dalkuna Yaabi Maayo Ee waxaan Ka baqayaa inaad Nika waxaas Sheegayow Adigu Yaabtid,shacabka Somaliland waxaan leeyahay ilaashada Nabadiina iyo Amnigaas ilaahay idinku Manaystay,Nabad Cid dhaawac u gaysan Kartaa Majirto,Dalkan waxa uu ku soo caano Maalay Dawlada Dhisan.

 

Gaba-gabadii waxa uu Wasiirku iftiimiyay inaanu ka Mid Ahayn Xisbiga Mucaaradka Ah ee wadani Balse uu ka Mid yahay Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye isaga oo Meesha ka saaray warar sheegayay inaanu wali Cadayn Halka uu ku Biiray.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>