Wasiirka Dibu Dajinta Oo Ka Waramay Qaxoontiga Somaliland Ku Sugan Tiradooda ,Beeniyayna In Ay Daryeel La’aani Hayso

Hargaysa(Duulnews)-Wasiirka Dibu Dajinta Somaliland Cali Siciid Raygal Ayaa ka waramay Qaxoontiga ku sugan Magaalada Berbera tiro Ahaan inta Ay dhan yihiin isaga oo meeshana ka saaray in ay daryeel la’aan iyo caafimaad daro ku haysato kaamka ay dagan yihiin.

waxa uu sheegay inaanay wali gaadhin xiligii loo aqoonsan lahaa qaxoonti haay’adda UNHCR kaalmo la garab taagan,isaga oo tilmaamayna in Somaliland iyaduna kaalinteeda ka qaadato u dadaalka qaxoontiga waxaana uu yidhi.

“Qaxoontigii wali waa socdaa, dagaalkii Yemen-na wali waa socdaa, todobaadkiiba dhawr goor bay yimaadaan dekedda Berbera doonyaha iyo maraakiibta dadka qaxoontiga ah sida. Dadkaasi waxay iskugu jiraan dad u dhashay Somaliland,Somalia iyo dad Yemeniyiin ah iyo dad kale oo jinsiyado kale oo aan iyagu badnayn, mar walbana qaxoontigu wuu yimaadaa” ayuu yidhi Wasiirka oo BBC-da la hadlayay.

Wasiir Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay in dadka Yemeniyiinta ah marka lagu soo dhaweeyay Berbera la siiyo kaadhka Qaxoontinimo, islamarkaana xukumaddu wixii karaankeeda ah u qabato hay’addaha samafalka ee ku shaqo leh qaxoontigana ay ku dardaareen inay taakuleeyaan dadkaasi.

Wasiirku waxa uu ku dooday inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadkaasi haysta “Dadka Yemeniyiinta ah ee dalka joogaa waa ilaa lix boqol oo qoys oo tirada dadkoodu marka la isku geeyo ay noqonayso ilaa saddex kun oo qof” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya maalmo uun ka dib markii hay’adda Human Right Center oo fadhigeedu Hargeysa yahay sheegtay inay jiraan qaxoonti Yemen u dhashay oo ku tabaalaysan Berbera iyo Hargeysa. Waxay sheegeen inay Hargeysa kula kulmeen qoysas ilaa 4-tii qoysba wada degan yihiin qol kiro ah, balse arrintaasi maamulka gobolka Saaxil iyo Wasiirka dib u jedinta ayaa diidmo ka muujiyay

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>