Wasiirka duulista Iyo hawada Oo Hortagay Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, Sharaxaadna ka Bixiyey Xeerka Duulista madaniga ah ee Somaliland

madaaarkaHargeysa (Duulnews.com)- Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta hor tagay Golaha Wakiiladda ee Somaliland isaga oo faahfaahin ka bixiyey Xeerka Duulista madaniga ah oo golaha hor yaala.

 

Fadhiga maanta oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiiladda ayaa waxa shir Gudoominayey Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana marti ku ahaa Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan.

 

fadhiga maanta ee Golaha Wakiilada ayaa markii uu furmay waxa lagu soo dhawaayey Wasiirka Wasaarada duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka akhriyey khudbad ku saabsan Muhiimada uu leeyahay Xeerka Duulista madaniga ah ee Somaliland oo Wasaaradiisu ay soo curisay Golaha Wasiirada ay hore u ansixiyeen, hadana Golaha Wakiilada hor yaala

 

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu hadalka ku bilaabay “ Mudane Gudoomiye, mudanayaal, waxaan ugu horayn idiinka mahad celinayaa, yeedhmada uu goluhu noo yeedhay taas oo ku jirta nidaamkeena wada shaqayneed, farxad wayna way noo tahay inaanu golaha hor nimaadno aniga iyo Agaasimaha wasaaradda duulista, si aanu sharax kooban ugu bixino, xeer golaha hor yaala, kaas oo nuxurkiisu uu yahay in lagu aas-aaso hay’ad madax banaan oo qarankani uu leeyahay oo isu duda, Agaasinta hawlaha duulimaadyadeena madaniga ah. Qarankan Somaliland ee aynu soo yagleelnay wakhti dheer ka hor, maantana baarka ka jaray dhawr iyo labaanka gu’ ilaayo hada ma laha hay’ad shaqadaas inoo qabata, sidoo kalena ma laha Xeer lagu maamulo hay’adaas. hay’adaha noocan oo kale ah digreeto iyo wareegto midna laguma sameeyo, waxay u baahan yihiin xeer nidaamsan oo waafaqsan shuruucda caalamka aynu la shaqaynayno, iyo xeerka hay’ada duulimaayada aduunka, waxa kale oo uu u baahan yahay xeerkaasi in hay’ada sharci dajinta ee qarankani ee aad idinku aad kow ka tihiin inay ansixiso.”

 

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena yidhi “ Waxaanu rumaysanahay in baahi weyn loo qabo in la abuuro hay’adaas, waxa kale oo aanu rumaysanahay in xeerkaas la dajiyo in baahi weyn aynu u qabano, waxa ku jirta sumcadeena qaranimo, waxan kale oo ku jirta wada shaqaynta aynu dunida la shaqyanayno. Qarankii aynu ka go’nay ee Soomaaliya la odhan jiray waxa loo sameeyey xeer Number 13 oo September 1965-kii soo baxay oo maamuli jiray duulimaadyada madaniga ah, ee wadankii Soomaaliya la odhan jiray. Wax ka dambeeyey oo aynu samaynayna ma jirto, meel marinta xeerkan oo aad habaysaan iskuna duba ridaan, kana gudataan waajibkiina dastuurriga ah, wuxu dhidibada u adkaynayaa qaranimada dalkan iyo meel marka sumcadiisa.”

 

Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray “ Dunidu waxay leedahay Hay’ado u qaabilsan shaqooyinkaas halka inaga ay imka Wasaaradi ka maamusho shaqadaas, imika waxanau ku maamulnaa anaga oo hay’ada fulineed ah, dunida shaqadaas Wasaarado ma maamulaan duulimaadyada madaniga ah, ujeeda looga madax banaanayo waxa weeye, waa inay noqoto hay’ad ka madax banaan hay’adaha fulinta, oo madax banaani leh, waa inay noqoto mid si madax banaan u baadhi karta shilalka iyo dhibaatooyinka ka dhaca hawadeena iyo muranada ka soo baxa, baahidaas anaga oo ka duullayna waxaanu kaashnay dawlada Ingiriiska oo aanu waydiinsanay inay naga caawiyaan samayntii xeerka, baahiduna ay tahay awood badan oo aynaan u lahay xaga aqoontaas, waayo rageenii hore ee aqoontaas duulimaayada madaniga ah bartay hada way gaboobeen, waxaynu u baahan nahay dad dhiig cusub ah in la baro aqoontaas, dawladda Ingiriiska anigoo hortiina ugu mahad celinaya, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada (FCO) , waxay lacag badan ku bixisay in Xeerkan ay khabiiro u soo kirayso, ilaa laba nin ayey u soo kireeyeen, labadaas oo mid uu maalin halkan golaha uu ila socday, waxay ahaayeen rag ku takhasusay duulimaadyada madaniga ah, waxay ahaayeen rag in badan ku soo shaqeeyey, iyagaa xeerkan isku soo duba riday.”

 

Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Somaliland isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “ Wadamada iyo hay’adaha aynu wada shaqaynaa dhamaantood waxay na waydiiyaaan ma leedihiin xeer Madax banaan, hadii aynu xeerkan dhamayno waxay ka baxsan doonaa su’aashaas waji gabaxa ahayda waxa aynu u heli doonaa jawaab sugan, isaga ayaana laga dheegayaa qaabka duulimaayadeena madaniga ah. xeerkani wuxu ka kooban yahay laba qaybood, qaybi waa Rukumada uu ku taagan yahay oo waxaynu raacanaynaa nidaamka Hay’ada ICAO, waana inaynu dunida uga ekaanaa ,waa inay waafaqaan mabaadiida (Chicago Convention), ee ay dunidu ku heshiisay, waxyaabahaas waa inuu xeerkaanu waafaqayaa, arrimaha qaarkood dunidu way ku kala duwanataa, hab dhaqan gaar ayuu wadan waliba leeyahay, dunidu way ogoshay sida aad adigu u waafajinayso dhaqankaaga waa laguu ogowl yahay, laakiin waa inuu waafaqaa nidaamka caalamiga ah ee dunidu inagula shaqnayso, hadii uu xeerkaas mabaadiidaas ka tago wuxuu noqonayaa xeer jaba oo bar kuma taal ah, si aaanu arimahaas uga taxadirno ayaanu khuburadaas u waydiinsay dawladda Ingiriiska, khuburadaasi markii ay soo diyaariyeen xeerka waxaanu qaadnay laba talaabo oo kale, Hay’ada duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO ayaanu waydiisanay nin kale oo khabiir ah oo aanu xeerkii u dirnay si uu isaguna u soo eego maadaama iyaguna ay naga doonayaan inaanu buuxino shuruudahooda, isaguna wuxuu qiray xeerkeenu inuu rukumadii leeyahay. Sidoo kale markii aanu intaas soo dhamaynay waxaanu u gudbinay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland oo runtii hadii ay tahay turjimaadii iyo diyaarinta nuqulkiisa Soomaaliga ah-ba iyagaa diyaariyey, xeerka iyagaa turjumay nuqulkiisa rasmiga ahina wuxuu noqnayaa kaas Ingiriisiga ah, waayo duni ayeynu la shaqaynayaa wixi ka xumaada turjumaadiisa isaga ayaa loogu noqonayaa, iyagaa isku soo dubada riday sidaas ayaanu Golaha Wasiirada ku gaynay.”

 

Markaan soo koobo xeerkani wuxuu kala saarayaa shaqada Wasaarada duulistu ay imika hayso, wuxuu u kala saarayaa laba, Wasaarada wuxuu ku reebayaa samaynta siyaasada, Jaan goynta, Hilaadinta iyo wixii la mid ah, Hay’adana wuxuu ka dhigayaa inay noqoto qaybtii fulinta, way wada shaqaynayaan, xeerkani wuxuu qeexayaa awoodaha Wasaarada, kuwa Wasiirka, ka Agaasimaha hay’ada, boodhka ay hay’adu yeelan doonto iyo si la mid ah.”

 

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Xeerkan u sameeyeen waxaanu yidhi “ Dunidu qaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>