Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Sheegay In Talaabo Adag Laga Qaadi Doono Askari Aagga Gambadha Ku Toogtay Askar Kale

CADAMI WASIIR(Duulnews)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa markii u horaysay ka hadlay dil Askari Ciidanka qaranka ahi kula kacay Askari kale islamarkaana mid kale ku dhaawacay. Dhacdadan oo jiida Gambadha ka dhacday Axaddii ayuu ayaan darro ku tilmaamay Wasiir Caddami.

“Waxaan jeclahay inaan Kalmad ka idhaahdo Dhacdooyin isdaba joog ah, oo runtii ina dhaxal siisay geeri aad u fool xun, oo dadkii u joogay difaaca qaranka ee u halgamayay inay inaga hor joogaan cidkasta oo ku soo xad gudbaysa Somaliland, inay iyagii isku soo hoos noqdaan waxaas isku quudhaan, waa dadka dadka iska xiga ee xataa kuwii la dhashay iska jecel, waa Nasiib darro, waa Caado aan jiri jirin oo cusub in dadkii difaaca kuwada jiray ay isku soo guda noqdaan” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

 

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Aad iyo aad baanu uga xunnahay cidkasta oo falkaasi xun ku waxyeelowday oo iyadoo aan cadow shisheeye soo weerarin saaxiibkiisii la jiifay ee nafta iyo noloshaba la qaybsanayay uu soo weeraray”

 

Wasiirka gaashaandhigu wuxuu sheegay in talaabo sharci oo adag laga qaadi doono ciddii falkaasi gaysatay “Waxaanu caddaynaynaa in lagu jiro abaabulkii sidii Maxakamadda Ciidamada qaranku u bixi lahayd ee u tagi lahayd goobihii dhacdooyinkaas foosha xun lihi ka dhaceen oo ay dacwadda halkaas ku qaado, oo ay Qisaastu halkaas ku fusho, oo aanay noqon wixii isdaba jooga ahaa ee gacmaha hoosta la iskaga dhiibayay toona jirin maadaama Ninkii Ciidanka qaranka ahaa cidii aamintay iyo ninkii la jirayba ku soo hoos noqday wax cafis iyo dib u dhigid ah oo halkaas ka iman karayaa ma jiro, halkaas ayay Maxakamaddu tagaysaa halkaas baana cidii falka gaysatay lagu abaalmarinayaa” ayuu yidhi Wasiir Cadami.

 

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay markii shalay Askari Ciidanka ka tirsani rasaas ku furay askar ay isku ciidan yihiin. Askarta, ayaa ka wada tirsanaa Guutada 8-aad ee qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka fadhigeeduna uu yahay Deegaanka Gambadha oo dhinaca Bari ka xigta Magaalada Laascaanood.

 

 

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ismaan-dhaaf dhex maray Askariga Dhaawacmay oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdi Ibraahim Cabdilaahi iyo Askariga dilka ku eedaysan oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe Saalax Samatar, Kaasoo Rasaasta uu furay uu ku geeriyooday AHN laba Alifle Caydaruus Cawaale.

 

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Ciidanku gacanta ku dhigeen gacan ku-dhiiglaha waxyeellada geystay, kuna xidheen isla saldhiga Weerarku ka dhacay.

 

 

Dhinaca kalena, Dhaawac Askariga ka badbaaday toogashada ayaa waxa la sheegay inuu aad culusyahay, isla markaana loola soo cararay dhinaca Magaalada Burco.

 

 

Dilalka noocan ah ee Ciidamada dhexdooda ka dhaca ayaa soo badanayay sanadihii u dambeeyay, iyadoo sanad wax ka yar laga joogo markii uu Askari ka tirsanaa guutada 17aad ee Ciidanka Qaranku uu saldhiga Ciidanka ee Jiida Maygaagle ku dilay laba Sarkaal oo madax ka ahaa taliska ciidanka ee Aaga Maygaagle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>