Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Waramay Sababaha U Sahlay Diyaarinta Misaaniyaddii Ugu Tirada Badnayd Taariikhda Somaliland & Doorashooyinka

samaale(Duulnews)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo safar ku maraya qaar kamid ah Gobollada, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Wargayska Somalilandtoday, wuxuu kaga hadlay ujeeddada safarkiisa, wax-qabadka Xukuumadda iyo sababta u sahashay inuu noqdo Wasiirkii u horeeyay ee suurt-galiya Miisaaniyaddii ugu badnayd ee Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray.

Ugu horeyn Wasiirka Cabdicasiis Maxamed Samaale oo aanu waydiinay ujeeddada safarka uu Gobollada qaarkood ku marayo ayaa ku jawaabay “Safarkani waa mid shaqo oo aanu ku marayno qaar kamid ah Kastamyada dalka, waxaa igu wehelinayay Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah Agaasime waxeedyada Wasaaradda, wuxuuna salka ku hayaa sidii loo dar-dar galin lahaa shaqada Wasaaradda, sababtoo ah Wasaaradda shaqadeedu waa mid joogto ah.”

 

 

DSC_0374-620×330

Wasiirka oo aanu mar kale waydiinay jidka uu u maray iyo waxa u sahlay diyaarinta Miisaaniyaddii ugu badnayd ee Somaliland yeelato ayaa sheegay “Jawaabta oo koobani waxay noqonaysa tallo saaradka ILAAHAY iyo dedaalka aan nasashada lahayn ee aanu samaynay, waayo haddii xil lagu saaro macnaheedu waa Imtixaan waa inaad markaa Imtixaanka ka gudubtaa si aad uga gudubtana dedaal iyo gunto giijis ayaa loo baahan yahay, ILAAHAY baa Mahad leh ayaan leeyahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi u daray “Saddexdii sanno ee ugu dambeeyay sannad kasta kor u kac baaxad leh ayaanu Miisaaniyadda Qaranka ku samaynay, ilaa hadana waanu wadaynaa. Waxaa mahad leh ILAAHAY marka koobaad fududeeyay hawlahaas, marka labaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo nagu aaminay oo noo igmaday xilka iyo masuuliyadda culus ee Wasaaradda, dabcan dhammaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada iyo masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee aanu hadh iyo habeen wada shaqaynayno iyaguna way ku ammaanan yihiin, waana waajib in qofka lagu hambalyeeyo marka uu shaqadiisa si daacadnimo ah u guto”

Wasiir Samaale waxa kale oo uu ka hadlay waxbaqadka guud ee xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo “Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo mid cad weeye, waa mid taariikhdu ka markhaati kici doonto, nin maanta is diidsiiya iyo mid inkiraba waxaan dafiri doonin taariikhda, waxqabadkaasi maaha mid ku yimid fadhi iyo xaglo laaban, maaha mid ku yimid hadal tiro badan iyo hawl karnimo darro, wuxuu ku yimid dedaal iyo dabagal dheer oo aanay u kala nasan Madaxweyne, Wasiir iyo shaqaale, taasaa keentay Is beddelka dalka meel kasta ka muuqdo muddadaas afarta sanno iyo badhka ah ee Xukuumadda Xisbiga KULMIYE tallada dalka haysay….”.

Wasiirka oo ugu danbayntii aanu waydiinay Qabsoomidda doorashooyinka Somaliland iyo siduu u arko ayaa wuxuu yidhi “Qabsoomidda doorashooyinku mashruuc sharci ah weeye, Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo jeexday go’aan shacbi ahna ku aqbalay in nidaamka Xisbiyada la isku beddelo weeye, dabcan Xukuumad ahaan iyo Xisbiga oo isku duubani waa kuwii mawqifkooda caddeeyay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Annagu (Xukuumadda) wixii nagu xidhnaa dhinacayaga hore ayaanu u diyaarinay, Wasaaradda Maaliyaddu Miisaaniyaddii ay Golaha keentay qaybihii loogu hor diyaariyay ayay kamid ahayd dhaqaalaha Xukuumaddu ugu tallo gashay doorashooyinka, marka waxaan filayaa in aanay Xukuumad ahaan waxba nagu baaqan, mar kastana dalkan nidaamkiisa waxaa loo raacaya Dastuurka u yaalla ee Shacabka Somaliland 97% ugu codeeyeen”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>