Wasiirkii Cadaaladda ee Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame Oo is-casiley Goor Dhaweyd

Garoowe: (Duulnews)-Wasiirkii wasasrada cadaalada ee Puntland oo Ismaaciil Maxamad Warsame ayaa goor dhaweyd shaaciyay inuu si rasmiya xilkii isaga casilay,isaga oo warfidiyeenada kula hadlay gudaha magaalada Garoowe ee Puntland iscasiladiisana ku sababeeyay arrimo dhawra

Isaga oo iscasilaadiisa ku sababeeyay muran soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa .,isaga oo sida uu sheegay ay jiraan in dhawaanahan la doonayay isku shaandhayn lagu sameeyo golaha wasiirada

Iyada oo ay wararku sheegayaan in Madaxweynuhu doonaayay inuu shaqada ka eryo wasiirkan hada iscasilay Wararku waxay sheegayaan in madaxweynuhu doonaayey in uu shaqada ka cayriyo wasiirka hadda is-casiley halka Madaxweyne-kuxigeenku iyada oo gudoomiya ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladu Xaaji Yaasina u ku taageersana

Wasiirka oo ka hadlaya sababta keentay wakhti xaadirkan iscasilaadiisa ayaa waxaa uu yidhi “Intii la i dhihi lahaa isku shaandheyntii ayuu caqabad ku noqdey, waxaan go’aansadey in aan iskey u baneeyo shaqada” ayuu yiri Ismaaciil Warsame.
Wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray in wasiiradu ka tirsana aanay helin wax xaq iyo xuquuqa mudo dhan sided bilood isaguna uu noqonaayo wasiirkii ugu horeeyay ee xilkan baneeya tan iyo markii lagu dhawaaqay xukuumada Prof Gaas Bishii Janaayo 2014.

.Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa muddo ka badan 8 sano ahaa Xoghayaha Golaha Wakiilada ee Puntland.
wixii warar ah ee danbe ee ka soo cusboonaada waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>