WATEGATE Oo Maanta Dib-U-Furis Lagu Sameeyay Iyo Macaamiisha Oo Qiimo Jaban Wax-Lagaga Iibinayo

Nairobi: (Duulnews)- Xarunta Ganacsiga Caanka ah ee Magaaladda Nairobi ee loo yaqaano WATEGATE,ayaa maanta dib loo furay,waxaana si weyn loo adkeeyay Amaanka Xarunta,waxaana lagu qalabeeyay Ciidanka Amaanka goobtaas qalab-yo baadhitaan oo aad u heer sareeya.

Dadka reer KENYA ayaa maanta waxay markale ka dukaamaysanayaan Suuqaas weyn,iyada oo badiba Dukaamadda Suuqaas lagu sameeyay dib-u-habayn balaadhan,iyada oo oo Ganacsatadda Meheradda Ganacsina ay Macaamiisha u sameeyeen qiimo-dhimis ay kusoo jiidanayaan.

Dhinaca kalena,waxa la shageeyaa in qeybo muhiim ah oo ka mid ah Suuqaas aan wali la furin,iyada oo aan Burbur xoogan iyo gubasho soo gaadhay aan wali laga lagu samayn dib-u-qalabayn.

Suuqa Weyn ee WATE-GATE,ayaa ahaa goob Ganacsi oo si weyn loogu xidhnaa ka hor intaan Xoogaga Shabaabku Weerar ba’an ku qaadin ku-dhawaad Labbo Sanno ka hor,waxaana Wakhtigaas eedo kala duwan loogu soo jeediyay Ciidamadda Amaanka ee Dalka Kenya,iyada oo lagu Eedeeyay sidii ay uga jawaabeen weerarkaas iyo fadhataysi ay ku sameeyeen Hantidii taalay Meheraddaha,inkas oo ay Saraakiisha Amaanka ee Dalkaasi ay wakhtigaas eedahaas ganafka ku dhufteen.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>