“Waxa Igu Walaahi,Oo Igu Bilaahi Ah,oogu tolaa’hi ah, Inuu Madaxweynuhu Gurmad U Baahanyahay”. Barkhad Batuun

Hargaysa:(Duulnews)- Siyaasiga Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u baahan yahay gurmad deg deg ah.waxa uu intaas raaciyay inuu Dalkii gacanta u gulay koox Shufto ah oo aan waxba ka tudhayn.

Barkhad Batuun,ayaa hadalkan ka sheegay Munaasibadd uu Xalay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku qabsaday Magaaladda Hargaysa,kaas oo loo qabtay Madaxda Laamaha dibadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI“ Waxaan idiin sheegayaa intiina qurbaha ka timid iyo intiina Dalka joogtaba; waxa igu Walaahi,oo igu Bilaahi ah,oogu tolaa’hi ah, inuu Madaxweynuhu gurmad u baahanyahay.dhaar baan taa ku marayaa,Saxaafaddana haga daawaddo”.ayuu yidhi Barkhad Batuun oo ka hadalayay Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa uu intaas raaciyay in aanay Somaliland beel kali ah isku-koobin sida lagu doodo,balse ay jirto koox Shufto ah oo uu Dalkii gacanta u galay “Bulshadda darafyadda degan iyo intaan ISAAQA ahaynba,waxa la yidhaahdaa Beesha dhexe ayaa Dalkii haysta;waa been.beel dhexe oo dal haystaaana ma jirto,beesha dhexayaa ku dulman,shufto ayaa haysta,Kooxbaa haysta,Maaliyaddii,Maamulkii iyo Milatarigii Dalkaba cidbaa ku shaqaysanaysa.ta Madaxweynahaa ugu dhawoo Magac ka raacay mooyee,wax manfac ah oo ay ku haysaa ma jrto”.ayuu hadalkiisii kusoo xidhay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>