“Waxaa maanta nasoo gaadhay Kow iyo Lixdan- kan “61” koonteenar oo ay ku jiraan 10,890 “Toban kun Sideed boqol iyo Sagaashan” foosto oo daamur ah oo bilow u ah shixnad kale oo gaadhaysa 129 “Boqol & Sagaal iyo labaatan” konteenar oo iyaguna badda ku soo jira”.Wasiir Xisri

Xirsi(Duulnews)-Saaka waxaa soo gaadhay bar bilowga jidka isku xidhi doona Togdheer iyo Sanaag ee Ina-Afmadoobe daamur kor u dhaafaya 61 “kow iyo Lixdan” Konteenar “Container” oo ay ku jiraan 10,890 “Toban kun Sideed boqol iyo Sagaashan”

foosto oo daamur ah, kuwaas oo bilow u ah shixnad kale oo gaadhaysa 129 “Boqol iyo Sagaal iyo labaatan” konteenar oo iyaguna badda ku soo jira.

 

Guud ahaan daamurka aan dalabnay oo dhan 25,000 “Shan iyo Labaatan kun” oo foosto ayaa dhawaan dalka soo wada gaadhi doona Insha Allahu, isla markaana loogu talo galay in ay kala badh iyo ka badanba daboolaan baahida daamur ee jidku guud ahaanba u baahan yahay.

 

Kormeerkan dardar gelinta shaqo ahaa ee aan maanta kusoo marnay goobaha shaqadu ka socoto ayaan kula soo kulanay balanqaadkii Xukuumada ee ahaa dhamaystirka 100km oo noqon doona wajiga koobaad oo maraya meel fiican isla markaana 100-ka km isugu jireen qayb daamurkii la saaray, qayb jaygii la dhigayo iyo qayb diyaarintii hore ku jira.

 

Shalay hadii hirgelinta jidka Ceerigaabo riyo ahaa maanta waa xaqiiq xiiso badan oo cadayn u ah in awooda shacabka oo la mideeyey isla markaana kaashanaya hogaamiye u hor kaca horumarku ay nolosha guulo badan kasoo hoyn karaan.

 

Waxaan leeyahay cid walba oo shalay ka shaki qabtay hirgalinta jidkan iyo guud ahaanba horumarka dalka ama xanuun ka hayey aragtida guusha Shacabka Somaliland iyo xukuumada ay doorteen, waakan oo maantaba waxaan dul joognaa bilowga guul taariikhi ah horayna kuwo hore ayaa loogu guulaystay kuwo dambana waa lagu guulaysan Insha Allahu ee horumarka nagula tartan iyo qaran dhisida waayo nin jeebabka gacmaha kula jira sallaanka ma fuuli karo.

 

Siyaasaduna sideedaba maaha cay ee waa tartan loo kala badinayo quluubta shacabka waxaana hubaal ah in furaha quluubta shacabku lagu furto yahay wax qabad iyo daacadnimo.

 

Alle waa garabkeena Waanay dhawdahay guushu ee aynu u dhabar adaygno dhismaha dhulkeena

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>