“Waxaan marag ka ahayn maal-qabeeno yeeshay hanti meel walba u raacaysa tuugna ka xadi Karin!”Wasiir Xirsi

duul(Duulnews)-Waxaanu madal maamuus iyo milgo badan marag kaga noqonay 141 arday oo ka qalinjabinayey kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Burco

 

Waxaan marag ka ahayn maal-qabeeno yeeshay hanti meel walba u raacaysa tuugna ka xadi Karin! Waayo aqoontu waa hanti ma guuraan ah.

 

Meel walba oo aad eegto waxay indhahaagu qabanayeen halyeeyo hamuun u qaba in ay nolosha heersare ka gaadhaan oo isugu hambalyeynaya himiladii ay habsanayeen oo durba u rumowday

 

Waxaa hubaal ah in qofka bilaa aqoonta ahi lamid yahay shimbir bilaa baalal ah waayo aqoontu waa mida ku gaadhsiisa heegada sare ee nolosha “A person without knowledge is like a bird without wings”

 

Waxa xaqiiq ah in safar walba oo aad u dheer ka unkamo talaabo kaliya, saakana ay u ahayd ardayda dhamaystirka riyo ay in ka badan toban sano qalbiga ku hayeen.

Sidaasi mid lamida ayaan hubaa in aad nolosha guulo badan ka gaadhi kartaan hadaad la timaadaan duco, dedaal, dikri iyo daacadnimo

 

Sidoo kale si aanu ardayda u dareensiino jacaylka bulshadoodu qabto waxaanu caawa kulan isugu jira Casho sharaf, dardaaran iyo duco uugu qabanay hotelka City Plaza ee Burco

 

Aqoonyahan walba oo goobta fadhiyey ayaad indhiiisa ka akhrisanaysay sida haboon ee aqoon loogu soo hubeeyey iyo sida uu uugu faraxsan yahay xaqiijinta qayb kamida himiladii noloshiisa

 

Waan u hambalyeynayaa waalidkii idinku soo tabcay iyo macalimiintii hagar la’aanta wax idiin soo baray waxaanan idiin rajaynayaa mustaqbal iftiin badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>