“Waxaanu Usoo Jeedinaynaa Xukuumadda Somaliland In Waxii Ay Umaddani Ku Heshiisay Ee Ay Xisbyadda Qaranka Iyo Xukumadu Isku Raaceen Si Dhakhso Ah Loo Hirgaliyo.” Xoghayaha Guud Ee WADDANI

Hargaysa: (Duulnews)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde,ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland ay gacan-bidixaynayso hanaanka doorashooyinka Dalka iyo inay Komishanka Doorashooyinku si habsami ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee Dastuuriga ah.

Xoghayaha oo maanta qaar ka tirsan Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa Magaaladda Hargaysa,ayaa sheegay in fulin la’aanta Heshiiskii Xukuumadda iyo Xisbiyaddu uu dhibaato ku hayay Shaqadda Komishanka doorashooyinka Qaranka,isla markaana uu wakhti badani kaga lumayo.“ dhibaatada haysata Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Qaranka Somaliland-ba waxa weeye iyada oo aanay Xukuumaddu ilaa hadda dhaqan galin heshiiskii ay Xisbiyadu gaadheen,oo aanay fulin,ta dhibta ku haysaana waa Komishankuna waxa weeyaan Umadd inta wax loo diray aan Wakhtina la siin,oo la leeyahay waxna qabta,dibna yaanay u dhicin,waxna ha dhamaadaan.ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde,waxaana uu usoo jeediyay Xukuumadda inay meel mariso Heshiisyaddii hore loo wada gaadhay si hore loogu socdo “waxaanu usoo jeedinaynaa Xukuumadda Somaliland in waxii ay Umaddani ku heshiisay ee ay Xisbyadda qaranka iyo Xukumadu isku raaceen si dhakhso ah loo hirgaliyo,loona fuliyo,si looga dhabeeyo waxii ay Umaddani higsanaysay ee ahaa in Dalkan iyo dadkani horumar gaadho,dimuqraadiyaduna usii horumarto”. Ayuu yidhi hadalkiisa kusoo xidhay.

Muranka ka taagan Wakhtiga ay rasmi ahaan dalka ka qabsoomayso Doorashadda Madaxtooyadda iyo Wakiiladda,ayaa la sheegayaa inuu si weyn u caqaba ugu noqday hawlihii shaqo ee Komishanka Doorashadda,iyada oo Golaha Guurtiduna ku adkaysanayaan Xiligga ay u qabteen inay dalka doorashaddu ka qabsoomi doonto oo ah 27 April,2017-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>