Weerar Is-Qarxin Ah Oo Lagu Qaaday Hotelka Caanka Ah AL-JAZEERA Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho: (Duulnews)-Wararka ka imanaya Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Dalka ay dagaaladdu la dageen ee Somaliya,ayaa sheegaya in Hotel caan ah oo ku yaalla Magaaladaas la qarxiyay,isla markaana uu halkaas ka dhashay Khasaare mood iyo noolba ahi.
Inta la ogyahay ilaa 10 Qof ayaa ku geeriyootaya Qaraxan oo loo adeegsadday Gaadhi weyn oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay,waxaana ku dhaawacantay tiro intaas ka badan.
Ilaa hadda lama oga cid falkaas ka danbaysay,balse waxa Qaraxyo noocaas ah Fuliyo Xoogaga Shabaabka oo dagaal Hubaysan kula jira Ciidamadda Dawladda Somaliya Iyo Kuwa nabad-ilaalinta ee Dalkaas ku sugan.
Hotelkan oo magaciisa la yidhaahdo JAZEERA,ayaa ka mid ah Hoteladda ugu caansan Magaaladda Muqdisho,isla markaana sida weyn Amaankiisa loo Ilaaliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>