Weerar Khasaare Balaadhan Gaystay Oo Ay Xoogaga Al-shabaab Ka Fuliyeen Gudaha Dalka Kenya

ssssss(Duulnews)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 5 kalena way ku dhaawacmeen  weerar Al-shabaab ku qaaday Kolanyo gaadiid ah oo maraysay meel u dhaw degaanka Carabiya ee aagga Mandheera.

Waxaa Kolanyada Baabuurta ah la socday Gudoomiyaha degaanka Mandheera Cali Roba, hase ahaatee waxaa la sheegay inuu weerarka ka badbaaday. Kolanyada ayaa subaxnimadii Jimcaha ka soo baxay Mandheera kuna sii jeeday degaanka Ceelwaaq.

Gudoomiyaha Mandheera Cali Roba, ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo Baabuurtiisu ka badbaadeen Weerarka, hase ahaatee waxaa goobta lagu gubay 2 Baabuurtooda ah, waxaanay Al-shabaab kaxaysatay Gaadhi Nooca qaadka ah.

Weerarka waxaa sheegtay Ururka AL-shabaab ee gudaha Somalia ka dagaalama. Afhayeen Al-shabaab u hadlay waxa uu sheegay inay weerarka ku dileen 4 Askari. waxay sheegeen inay hal gaadhi kaxaysteen labana gubeen, sidoo kalena qaateen afarta qori ee Askarta la dilay

Ciidamada Kenya oo ka yimid dhinaca Mandheera iyo kuwa Ceelwaaq ku sugan ayaa haatan baadhis ka wada meelaha weerarku ka dhacay, waxayna goobta weerarku ka dhacay ku dhawdahay meel Al-shabaab hore ugu weerartay Basas ku sii jeeday Nairobi oo Macalimiin iyo Askari saarnayd.

Ururka AL-shabaab ayaa sannooyinkii la soo dhaafay weeraro kala duwan ka fuliyay degaamada ka talowsan xuduudka ee gudaha Kenya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>