Wiil Dhalin Yaro Ah Oo Ka Qayb Galay Maanta Tartankii Baaskiilka Ee Ka Dhacay London Isaga Oo Baaskiilkiisa Ka Babanayo Laabtana Ku Sita Calanka Somaliland:-

LONDON:(DUULNEWS)-Maanta waxa London ka dhacey tartan Baaskiilka ah oo ay ka soo qayb galen 70kun oo qof.

Waxa tartankaa ka qayb galey nin dhalinyaro ah oo Somaliland ka soo jeeda. Eng. Ahmed Gurey Sh Cumar wuxuu ku dhashey Hargeisa 1981 waxa dhaley Macalin kii weynaa ee ku magac dheeraaday Cumar-Xuseen Macalin Ceesh.

GEESI

Ahmed London ayuu degen yahey waxaanu u shaqeeyaa dawlada hoose ee London isagoo ah Civil Engineer gadiidka iyo wadooyinka ku takhasuusey.

Ahmed waa qof waayo arag ah oo runtii soo arkey dagaaladii Somaliland iyo Somalia isagoo inan yar oo xitaa uu ka soo gaadhey dhaawac sahlan oo ay ku qaraxdey miino. Waxa uu dhaley sadex caruur ah waana nin jecel dadkiisa iyo dalkiisa isagoo laba sanno soo joogey waxna ka dhigey jaamacada Hargeisa. Waa nin dadaal badan oo jecel Aqoonsiga iyo Horumarka Somaliland. Tartan Baaskiilka ah ayuu ka qayb galey isagoo doonaya inuu raadiyo ummada inriiskana tuso Dalkiisa Somaliland iyo Calankeena.

Wuxuu muujiyey geesinimo iyo tusaale fiican oo ah in ictiraafka Somaliland maalin kaste iyo meel kaste oo dunida ah muwaadinku ka raadiyo sidii loo aqoonsan lahaa dalkooda. Waanu u Hambalyeynayaa oo waxaanu leenahey engineer dadaalka naftaada iyo ka dalkaaga halkaa ka sii wad.
Mar aanu wax ka weydiinay bal sida uu dareemayo waxa uu yidhi Eng Ahmed sidatan Alxamdulilaah waa farxad anigoo tartankii Baskiilka galey 30kii uugu horeeyay iyadoo 70kun oo qof ka qeyb qaadanayeen. Maalin qurux badan oo aad u qiimo badan anigoo lulaya Calankeena Somaliland oo runtii dad badan ay igu dhiiri geliyeen sidaan u muujiyey ictiraafka Dalkeena oo aan dhex marey meelaha wadnaha London iyo ingriiskaba.FFFFFFFFFFFFFFF

Waxa kale oo uu noo sheegay Eng Ahmed isags oo hadalkiisa sii wata in uu aad ugu faraxsanyey in uu shacabka ingiriiska u muujiyo calankiisa. Islamarkaana baaskiilkii uu watay iyo laabtiisaba uu ka babanayey Calanka Somaliland oo uu ku dhaato.

Waxaanu yidhi Waxa mahada iska leh Rabigeena Alxamdulilaah hawshan ii fududeeyay kuna guuleystay hadafkaan u tegay. Waxa kalo mahad weyn leh Waalidkeyga. Xaaskeyga. Caruurteyda. Walaaladey oo igu dhiiri geliyey in aan ka qab galo tartankan.

Waxa kale oo aan salaamayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Dawladoo dhan iyo xisbyida Somalilan iyo Dhamaan Shacabka Somaliland iyo Asxaabteyda dhamaantood

GGGGGGGGGGGGGGGGGTTTTTTTTTTTTT

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>