Xaaladda Yemen Oo Cakiran, Iiraan Oo Maraakiib U Dirtay iyo Maraykanka Oo Taageero Ugu Bushaareeyay Waddamada Bariga Dhexe

Yay(Duulnews)-Hay’adda Caafimaadka Aduunka, ayaa sheegtay in ugu yaraan 643 ku dhimatay, 2,200 qofna ku dhaawacmeen Qalalaasaha ka socda Yemen. Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in tobanaan kun oo qof ku barakacday dagaalada Wali Socda.

 

Ururka dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn((Medecins Sans Frontieres), ayaa sheegay inay Doon sida 2.5 tonnes oo dawo ah ay gaadhsiiyeen Cadan, si gargaar caafimaad loogu fidiyo dadka Yemen ee dagaalada ku waxyeeloobay. Hay’adda Laanqayrta cas ayaa iyana sheegtay inay halkaasi gaadheen Koox dhakhaatiir qallin ah.

 

Afhayeenka ICRC Marie Claire Feghali, ayaa Reuters u sheegtay inay Yemen xaalad adagi soo wajahday shacabka “Waxaa xidhan Dukaamada, sidaas darteed dadku ma heli karaan Cunto, ma heli karaan biyo, waxaa wadooyinka wali daadsan Maydad, Cisbitaaladuna waa kuwo aad u daalay”

 

Dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxa taabacsan iyo Kooxaha daacadda u ah Madaxweynaha Yemen oo kaashanaya duqaymaha Cirka ayaa ku sii xoogaystay Magaalo xeebeeda Koonfurta ee Cadan.

 

Dhinaca kalena Maraykanka ayaa Iiraan uga digay faro galinta arrimaha Yemen ka socda “Dawladda Maraykanku si fiican bay uga war qabtaa taageerada ay Iiraan siiso Xooggaga Xuutiyiinta ee sababay in Madaxweynaha Yemen dalka ka baxo”, ayuu yidhi John Kerry, Xoghayaha Khaarajiga Maraykanku.

 

John Kerry, waxa uu sheegay in Maraykanku u hiilinayo dalkasta oo Bariga dhexe ah oo hadidaad kala kulma Iiraan “Maraykanku wuu taageeri doonaa dalkasta oo Bariga dhexe ah oo Iiraan hadidaad kala kulma. Sida cad Ma doonayno iska hor imaad laakiin, ma doonayno inaanu cidla kaga tagno xulufadayada iyo Saaxiibadayada, waanu barbar istaagaynaa” ayuu yidhi Mr Kerry.

 

Dawladda Iiraan ayaa laba ka mid ah Maraakiibteeda Dagaalka u soo dirtay Yemen si ay gacan u siiyaan Xuutiyiinta dalkaasi ka wada dagaalka. Waxaa sidoo kale hore xeebaha Yemen ugu soo dirtay Maraakiib dawladda Masar. Xulufadda duqaynta wadda ayaa iyaguna xayiraad saaray Badda, Barriga iyo hawadda dalka Yemen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>