Xil. Axmd-Yaasiin Oo Sheegay In 8 Dal Oo Xilligii Rayaale Baasaboorka Somaliland Fiisaha Ku Bixin Jiray Ay Imika Ku Soo Urureen 2 Keliya Iyo Aragtidiisa Siyaasadda Ar. Dibadda Xil. Axmd-Yaasiin Oo Sheegay In 8 Dal Oo Xilligii Rayaale Baasaboorka Somaliland Fiisaha Ku Bixin Jiray Ay Imika Ku Soo Urureen 2 Keliya Iyo Aragtidiisa Siyaasadda Ar. Dibadda – Mar 25 2015

Ayaanle(Duulnews)-Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka mid ah Xildhibaanaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa waraysi gaar ah oo uu Salaasadii shalay siiyey wargeyskan Geeska Afrika waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna dib-u-dhaca doorashooyinka, wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya,

kala duwanaanshiyaha siyaasaddeed ee xukuumaddii Madaxweyne Rayaale iyo tan Madaxweyne Siilaanyo, Korodhka Miisaaniyadda qaranka siyaasadda xisbiyada mucaaradka ahi ku waajahayaan siyaasadda, isku-shaandhayntii dhowaan madaxweynuhu ku sameeyey xukuumadda, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa uu waraysigan ku shegay in xukuumaddani wakhtigii ay Mucaaradka ahayd aad u dhaliili jirtay Misaaniyadda Madaxtooyada, Sannadkii ay xilka la wareegtayna Misaaniyadii Madaxtooyadu ay saddex jeer ka badatay, xaddiga misaaniyadii ay ku dhaliili jireen Md. Daahir Rayaale.

 

Ugu horreyn Xildhibaan Ayaanle oo ka hadlayey wada hadallada hakadku galay ee Somaliland la’ lahayd Soomaaliya waxa uu yidhi, “Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay lahaayeen taariikh ay soo bilawdeen, sabab lagu bilaabay, iyo maraaxiil kala duwan oo ay soo qaateen. Waxa ay ku bilawdeen siyaasaddii cusbayd ee xukuumadda Kulmiye ee uu hogaaminayo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ay qaaday in wada hadal lala furo dawladda Soomaaliya, dawladaas oo markaas ahayd Dawladdii ku meel-gaadhka ahayd ee uu hogaaminayey ninka la odhan jiray Shariif Sheekh Axmed.

 

Wada hadalladu markii hore niyadsami ayaa ay ku bilaabmeen, qodobbadii London ka soo baxayna meel fiican ayaa ay galeen, oo in dawladda ku meel-gaadhka ah ee Somaliya iyo Somaliland wada hadlaan ayaa ay ahayd, oo xitaa waxyaabaha wakhtigaas la dhawrayeyna waxa ka mid ahaa in dad Somaliland ka socdaa aanay Soomaaliya u adeegsan wada hadalada. Shirkii London waxa ku xigay, shirkii Istanbul, haddana waxa ku xigay Shirkii Dubai, waxa laga yaaba qalloocan Maanta soo baxay in aynaan Maalintaas dareemaynin” Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo sii faahfaahinaya qalloca uu xusay ee wada hadallada galay ayaa intaas ku sii daray, “Anigu shaqsiyan waxa aan qabaa in markii Ingiriisku waday wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu martigelinta u horeeysay ugu sameeyey shirkii loo qabtay Somaliya, Somaliland-na qeybta ka noqotay, Madaxweynuhuna ka qeyb galay, lixdii qodob ee laga soo saaray ee ay ka mid ahayd in Somaliland iyo Somaliya wada hadlaan, gacan ku hayntii Ingiriiska markiiba waxa loo wareejiyey xagga Turkiga, ka sii daranee Dubia baa haddana lagu soo celiyey.

 

Weynu fahmi karaynaa aragtida ay kala qabi karaan iyo masaalixda ay ka kala leeyihiin Geeska Afrika Wadamada Midawga Yurub, Ingiriiska iyo Dalalka Carabtu, markaas qadiyaddaadu waxa ay had iyo jeer ku xidhan tahay qofka gogosha dhigaya, dhex dhexaadiyaha ah arinta tan doonaya in uu wax ka qabto, maslaxdiisa, aragtidiisa iyo mawqifka uu taagan yahay ayaa mar walba xukumaya waxa ay natiijadu noqonayso, oo ay samayn xoog weyn ku yeelanaysa. Markaas wada hadalladu marka horeba halkaasba fargod baa ay ka yeesheen”

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mar uu ka hadlayey martiqaadkii uu raysalwasaaraha Ingiriisku doonayey in Somaliland ay ka qaybgasho shirkii Soomaalida ee London, balse Madaxweynaha Somaliland ka diiday, waxa uu yidhi, “Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Camaron iyada oo hawl culusi u taallo, oo uu maydkii Mrs. Thatcher (Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska) u yaalo ayaa uu Madaxweynaha Somaliland qaabilay, oo muddo dhawr iyo labatan daqiiqo ah la shirayey. Madaxweynuhu mawqif shariif ah ayuu ka qaadatay, waxaanu yidhi, Shirkaasi waxa uu khuseeyaa Soomaaliya. Soomaaliyaa dhaqaale loogu sameeynayaa, ka mid ma’ ihin ee naga raalli ahaada. Kama qayb gelayno. Madaxweynuhu sharaf ayuu muujiyey, inuu Shacab matalo ayuu muujiyey, kalsooni inuu Umaddiisa ka haysto ayuu muujiyey”

 

Xildhibaanka oo ku soo dhowaanaya halka ay wax ka qaldameen ayaa yidhi, “Markan haddaba u dambaysay ee wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya ay sii soconayeen ee Turkiga lagu noq-noqonaayey, marba qodob ayey ka baxayeen Somaliya, oo marba jirtay in Hawada Somaliland iyo Somaliya lagu heshiiyey, in laga wada maamulo Hargeysa, oo Guddi farsamo ah oo isku jiri wada maamusho, xaruntu Hargeysa noqoto, dhaqaalahana sida loo qeybsanayo laga wada hadlo, taas oo runtii dan weyni Somaliland ugu jirto, wey ka baxeen markii ay ku noqdeenba Muqdisho, Raggii Maamulka Muqdisho joogay”

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu sheegay in wixii intaas ka dambeeyey ay dowladda Muqdisho ay marba marka ka dambaysa qaadaysay tallaabooyin u muuqda in ay bahdilayso wada hadalladu sida ay u socdaan, markii u dambaysayna ay noqotay in ay wada hadalladii u soo direen rag Somaliland u dhashay oo dawladda Muqdisho xilal ka haya, waxa aanu sheegay in qaladka halkaas ay Somaliland ka gashay ahaa in ay tagtay Turkiga iyada oo og in raggaas la soo dirayo, sida fiicanna ay ahayd in halkan iyaga oo waftigu jooga in ay diidaan, waxase uu xildhibaanu bogaadiyey mawqifka markii dambe ergada Somaliland shirkaas ka qaybgalkiisa ku diidday. Waxa aanu rajo xumo ka muujiyey midho dhalka wada hadalladan, maadaama oo labada dhinac aad u kala fog yihiin, qolo kastaana ku socoto kuna dhisan tahay dastuur diiddan sida ay qolada kale rabto. “Waxa ay igu muuqata foosto gun la’ dhaaminayo. Waa aynu ognahay, oo weynu arkaynaa in dawladda Muqdisho ka dhisani aanay marnaba qadiyada Somaliland, xitaa tallaabana ha ahaato ee aanay qaadayn wax suurgelinaya” ayaa ka mid ahaa hadalka xildhibaan Axmed-Yaasiin. Isaga oo sheegay in sida ugu dhow ee loo wada hadli kari lahaa ay tahay in dalalka dhexdhexaadinta ku jiraa ay qiimeeyaan, Dastuurka Somaliland cod shacab ayaa uu ku ansaxay, laakiin dastuurka illaa maanta qabyada ahi waa ka Soomaaliya oo cod shacabna aan haysan, ayaa sharciya”.

 

Waxa uu xildhibaanku sheegay in sida saxda ahi ay ahayd in dalalka dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya ku jiraa ay labada dhinac iyagu isu dhegeystaan, markaas cidda qaladka leh sheegaan, xalka ku haboonna halkaas ka soo dhoweeyaan. Isaga oo aad u dhaliilay habka imika wada hadalku u socdo oo ah in la yidhaahdo gogosha ayuun baa la idin siinayaa ee Soomaalidu ha wada hadasho, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mindi mindi ku tag uun.

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey siyaasadda arrimahad ibadda iyo cilaaqaadka dunida eek u habboon in ay Somaliland yeelato waxa uu yidhi, “Habkii aynu ula macaamili jirnay ee ictiraaf raadinta iyo in aynu dunida kula macaamilno, siyaasadeenna dibaddu ay kaga midho dhalinaysay. Waxa ay igu muuqataa, in noocii ay dawladdii hore isticmaali jirtay ee ahayd in aanay ku mashquulin dawlad Somaliya ka dhisan ee ay ku mashquusho inay saaxibo caalamka ah kasbato, oo ay dalal saaxiibbo ah samayso oo ay Somaliland u sameeyso dad qadiyadda tan u garaaba oo dawlado ah”

 

Xidhibaan Axmed-Yaasiin waxa uu sheegay in dalalkii xilligii madaxweyne Rayaale ogolaan jiray in basaboorka Somaliland lagu gala ay tiradoodu hadda ku soo ururtay Laba keliya, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Illaa Siddeed wadan oo Afrikaan ayaa Baasaboorka Somaliland fiisaha ku dhufan jiray, maantana waxa laga yaaba mid iyo laba inay ku soo hadheen, halkaas dacfi ayaa inagaga dhacay oo dayac ayaa ka yimid”.

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dib u dhaca ku yimid Doorashada ku jawaabay “Muddo kordhinta Dastuurkeenna ayaa ay ku taallaaa, Dastuurkeenuna waxa uu sheegaya marka duruufo dhacaan sida Abaar baahsan, Cudarada faafa, Dhul gariir, Masiibo dabiicaya, Colaado iyo Dagaalo, muddo xileedka waxaa Xukuumadda u kordhinaya Golaha Guurtida, muddo kordhinta waxa ay Somaliland ku murmaysay 15-sanno ee ugu dambeeysay, ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal ayaa loo kordhiyey waa lagu murmay, Daahir Rayaale ayaa loo kordhiyey waa lagu murmay, Guurtida ayaa iyadu lafteedu isku kordhisay waa lagu murmay, Maanta Axmed Siillaanyo ayaa ay saaran tahay kordhintana aad uga soo horjeedi jiray. Laakiin sida aynu ka warhayno, duruuf walba oo timaada, dalkan dawlad la’aan la gelin maayo, oo Madaxweyne la doortay, Madaxweyne la doortay ayaa bedelaya, taasi waa geed ka go’an, dawladdu jiri maysana qoladan Xukuumadda haysta markii ay Mucaaradka ahaayeen ayaa la kordhin maayo, Maalin lagu dari maayo Saacad lagu dari maayo, ayey Cajaladaas aad u daari jireen, markaas Mucaaradka hadda jooga in ay cajalad kale inoo saaran ayey ahayd, ee Cajaladii oo koobiya, xabeebna leh ayey ku celiyaan, oo Cajaladii Kulmiye saari jiray marka ayey UCID iyo WADDANI ka daba saaran, iyada oo Cajaladu safeex ahayn, oo walibana waa ah cajaladii Kulmiye oo xabeeb leh”.

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha yidhi “Madaxweynaha ayey sharaftiisa ahayd inuu Doorashada wakhtigeedii ku qabto, oo uu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland wakhtigeedii ku qabta, laakiin haddii isku itaal la noqday oo halkii Cigaal ay dhigtay, Daahir Rayaale ay dhigtay, isna ay dhigtay,Qaranku waxa uu yeelaya wixii la yeeli jiray”.

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey dib u dhac ku yimid Siyaasada Somaliland ayaa yidhi “Abaartan Dastuurku sheegayo, ee ah Abaar baahsan inay dhacdo, oo Golaha Guurtidu sabab ay u cuskan karto oo ah inay kordhiso muddo xileedka Xukuumadda, Abaarta caqliga inagaga dhacday oo Siyaasiyiinteenu mar keliya odhan kari la nahay, waar maxaynu kaga baxnaa waxan aynu mar walba iyo Shan Sanno oo kasta aynu ku murmayno ee muddo kordhinta ah, iyada oo 15-sanno ee ugu dambeeyey lagu murmaayey muddo kordhinta, iyada oo Somaliland intii ay jirtay waxa ay ka koreeysay dhan kasta,dhanka Dhaqaalaha,(Eeg Bogga 7aad)

 

dhanka Caafimaadka, dhanka Waxbarashada, dhanka Ganacsiga, dhanka Dimuqradiyada iyo Dawladnimada, xubnaha faraha badan ee dawladnimadeenu ka kooban tahay, ee dhan kastaa koraayey, halka ugu korniinka yarayd waxa ay ahayd garaadka Siyaasiga, garaadka Siyaasigu waxa uu arkaaya Kursi, inuu Kursiga ku fadhiyo, ama uu u hamuumayo, haddii garaadka Siyaasigu aragti intan ka badan yeelan lahaa Somaliland taladeedu halkan may taagnateen, kumanay muranteen 15-sanno waanu kordhisanaynaa iyo kordhisan maysaan. Anigu waxa aan u arkaa muddo kordhintu inay tahay arin Dastuuriya, oo dalka dawlad la’aan lagu ridaynin, balse muddada la kordhinaya waa muddo noocma ah, Komishankii Doorashooyinka Qaranka ayaa jooga, waxa ay xadidi karaan muddada ugu macquulsan ee Doorasho Dalkan lagaga qabanayo, waxay markaas ila tahay in aan dadka Muxaafid iyo Mucaarad lagu wareerin waanu kordhisanaynaa iyo kordhisan maysaan, Komishankani uu jooga, Doorashadani dib ayey u dhacday, ee inta la isla xaliyo in muddo la aqoonsan karo oo macquul ah, Umadduna ku qanacdo in Doorashada la mudeeyo”.

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko isku shandhayntii Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa awoodiisa dastuuriga ah inuu Xukuumad soo dhiso, in cidi uu garto u magaacabo Wasiiro, cidii uu u garan waayana inuu ka qaado, inuu isku bed-bedelo Golihiisa Wasiiradda, aniguna ma qabo inay cid kale sameeysay, maxa yeelay Madaxweynaha khabiirka ah ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa loo doortay, isku shandhayntuna waa dib u cusboonaysiin, waa Dawladii oo dib boodhka looga jafayo, waayo waxa laga yaaba in dad darar cusub lehi ay Dawladdii ku soo biiraan, oo qaar Wasaarad kale ku kadeednaa ay qaar kale oo ay la qabsanayaan la geeyo, markaas waxa aan u karaa talaabo wanaagsan oo Madaxweynuhu xagga saxda ah u qaaday, waana ugu mahadnaqaya”. Xildhibaan Axmed Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxweyne kasta waxa uu jecel yahay ha balan-qaado ama yaanu balan-qaadine inuu Xukuumadda tiro yar oo tayo leh dhiso, oo Daahir Rayaale 2003-dii, markii la doortay taas ayuu balan-qaaday,waxa dhab ah in haddii Qabyaaladu istaadhanto in aanay meelna ku hakan mayso, oo dadkeeni ayaa waxa ay u fahmeen in Dawladnimada ay juf-jufo iskaga dhex arkaan, gaar ahaan Golaha Wasiiradda, ilayn Cabasho Reer oo maalin walba taagan laga aamusi maayo, taasina waxa ay keentay in Madaxweynahan, Madaxweynaayashii ka horeeyey iyo kuwa ka dambeeyaba in mid kastaaba uu balan-qaado Dawlad tiro yar tayo badan leh dhisayo, in Wasiiradda Madaxweyne SIillaanyo lixdan ku dhawaadan duruufo ayaa keenay”.

 

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mar uu ka hadlaayey Misaaniyadda Madaxtooyada ee Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddan ayaa yidhi “Waxa aan xasuusta in Xukuumaddani markii ay Mucaaradka ahayd iyo Maxamed Xaashi Cilmi ay aad u dhaliili jireen Misaaniyadda Madaxtooyada Dawladdii Daahir Rayaale, balse Misaaniyadii ugu horeeysay ee uu Maxamed Xaashi Cilmi uu soo sameeyey waxa ka muuqatay korodh boqolkiiba saddex boqol oo Misaaniyadii Madaxtooyada lagu talagalay, 2010 waxa uu ahaa 16-bilyan, markii xil wareejintii kulmiye loo sameeyey, ee uu taladdii Kulmiye qabtay 2011, misaaniyaddii ugu horeeysay ee Xukuumaddan ee Misaaniyadda Madaxtooyadu waxa uu noqday 37 Bilyan, waxaana Maalintaas Maxamed Xaashi Cilmi la hadlay Xildhibaan Golaha Wakiilada ka tirsan oo isna aad u dhaliili jiray Misaaniyadda Madaxtooyada.

 

Markaas Islaan fadhida lagdini la fudud, oo qofku marka uu dibada ka taagan yahay wax walba wey la fudud yihiin, balse marka uu hawsha guddaha u galo ayuu wax walba arkayaa”. Xildhibaan Axmed-Yaasiin oo ugu dambayntii ka hadlay Xisbiga uu ku jiro imika ayaa ku jawaabay, “Anigu waxa aan ahay oo aan ka tirsan ahay, kuna jiraa Xisbiga Kulmiye”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>