Xil.Qabile Iyo Wasiir Ku-Xigeeenkii Hore Ee Amniga Oo Ka Mudo-dheer Oo Fiintu Dhex-miranaysay Is-laab Qaaday,Kana Heshiiyay Dhiilooyinkii Siyaasadeed

cccccc(Duulnews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, iyo Wasiir xigeenkii hore ee Amniga Xukumadda Siilaanyo Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa iska laab-xaadhay xurgufo siyaasadeed oo soo kala dhex galay wakhtiyo midna Muxaafad ahaa Midna Mucaarad.

Cabdillaahi Abokor iyo Xildhibaan Qabille, ayaa ku kulmay Munaasibad lagu caleemo saarayay Suldaan Xasan Maxamed Axmed (Hobo-Hobo), halkaasi oo ay iskaga cafiyeen Colaadda Siyaasadeed ee u dhaxaysay.

Ugu horrayn Xildhibaan Qabille oo madasha ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan u yeedhayaa Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ah Inaadeerkay iga yar, wax caloosha la isgu hayaana ma yaallaan, waxa la yihi maalinta khamiista ah iyo Isniinta waxa soo dega Malaa’ig, kuwaas oo dira dambi dhaaf oo waxa ay ka tagaan laba caloosha axba ka jirin, aniga xagaygana waxaan ka cudur daaranayaa cid kasta oo soo qaadda naanaystaas in aanay waxba ka jirin, cabdilaahi Abokorna saamax ayuu iga yahay”

Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Xukuumadda Kulmiye Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Walaalkay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo aanu ahayn ragii iskugu dhowaa wakhtigii mucaaridka, balse siyaasaddu waxa ay leedahay qandhuufooyin, markaa anigu waxba caloosha uguma haynin imikana uguma hayo xildhibaanka, laakiin waxaan ku bogaadinayaa bila aadanku waxa ay ku kala roonyihiin garashada inuu isagu igaga horeeyo ayaan ku bogaadinayaa, waana waayo aragnimo uu i dheeryahay, waxaan filayaa inaanu isku ahaan doono sidii aanu hore isugu ahaan jirnay”

Xurgufta Siyaasadeed ee Labadan Siyaasi dhexmartay ayaa ahayd Nin La yidhaahdo Tabaarig Maxamed Ducaale, oo ah Sarkaal Militari oo Rasaas ku riday Xildhibaan Qabille bishii October ee sannadkii 2013-ka, kaasi oo la sheegay inuu Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo wakhtigaasi wasiirka amniga ahaa soo adeegsaday kadib eedo Xildhibaanku Xukumadda u jeediyay. Eedahaasi wuu iska fogeeyay Mr Cabdillaahi Abokor balse Xildhibaanka iyo wararka wakhtigaasi ayaa isaga la xidhiidhiyay.

 

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>