Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Maanta Magaaladda Hargaysa Qeddo-Sharaf Ugu Sameeyay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland

Hargaysa:(Duulnews)-Xisbiga Ucid Ayaa maanta hadhimo sharafeed ku maamusay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin .

Qadho sharaftan oo ka dhacady Ambasador ee Magaalada Haragaysa ayaa ahayd mid ilyartu is qabtay iyadoo kulmisay Kaadiriintii xisbiga Udub iyo siyaasiyiin rug cadaaya oo caan ka ah Somaliland .

 

Sidoo kale waxaa joogay Madax Dhaqameedkii ,Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo ay hor kacayeen Murashaxa Madaxweyne ee Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali .

 

Dhamaan Masuuliyiintii Halkaasi ka hadashay ayaa ku dheeraaday Taarikhdii uu Madaxweynihii hore ee Rayaale kaga tagay Dalka iyagoo ku tilmaamay in uu ahaa Aabaha Dimuqraadiyadda Somaliland .

 

Murashaxa Madaxweyne Ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Rayaale Somaliland kaga Tagay taariikh aan duugeebeen isagoo ahaa bu yidhi Madaxweynihi hir galiyay Affar Doorasho oo xor iyo xalaal ah .

 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu Madaxweyne Rayaale leeyahay Taarikho badan isla markaana uu ahaa Madaxweynihii Hirgaliyay Dimuqraadiyadda Somaliland .

 

Gudoomiyaha ayaa ujeeddada casuumada ku tilmaamay in ay tahay mid ay ku Sharfayaan isla markaana ay muujinayaan sharafta iyo xushmadda ay u hayaan Madaxweynahiii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin .

 

Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaal Kaahin oo ugu danbeenti halkaa ka hadlay ayaa u mahad naqay Xisbiga Ucid sida ay u maamuuseen isagoo intaasna ku daray in uu yahay Oday Somaliland ah oo uu dhex u yahay Somaliland isla markaana aanu jirin Xisbi uu ka tirsanyahay .

 

Mudane Rayaale oo si watta hadalkiisa ayaa carrabka ku dhuftay in Xisbiga Udub Soo Laabanayo waliba bu yidhi aniga oo aan ka ahayn Murashax .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>