“ Xisbiga WADDANI Waxa Uu Helayaa Warar Xaqaa’iq Ah Oo Sheegaya In Xukuumadda Somaliland Ay Qorayso Ciidamo Ka Dagaalama Saxaraha..” Xogahaya Qorshaynta Ee Xisbiga WADDANI

(Duulnews)-Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdirashiid Riyo-raac,ayaa maanta ka dhawaajiyay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka qorayso dhalinyaro reer Somaliland ah oo ay da’doodu tahay ilaa 25 Jir,loona diray dagaalka ay Is-bahaysiga Sucuudigu hor kacayaan ay kula jiraan Dagaal-yahanadda Xuutiyiinta.

 

Xogahayaha oo maanta Xarunta Xisbigoodu kula hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay ina aanay Xisbi ahaan garanayn waxay dhaafsatay Xukuumaddu. “ Xisbiga WADDANI waxa uu helayaa warar xaqaa’iq ah oo sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay qorayso Ciidamo ka dagaalama Saxaraha,oo aan wali xaqiiqdeeda aan shacabka loo sheegin,waxaanuna leenahay Ciidamadaas qarsoodiga ah looma baahna”.ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac

 

Waxaana uu intaas raaciyay inay Mudan tahay inay Xukuumaddu xaq-dhawrto nimaadka Dawladnimo,isla markaana shacabka lala socodsiiyo talaabooyinka la qaadayo “dalku waxa uu leeyahay Nidaam,waa in cid walba ogaataa,waa in Umadda loo sheegaa wax kasta oo la samaynayo,Ciidamadaas-na waa 25 jir da’doodu.Somaliland waxaanu moodanay in aanay maanta u baahnayn in aanay wax aan mico lahayn ku layso dhalinyardeeda.lamana garanayo ilaa hadda waxay ku iibsatay”. Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Xogahaya Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI.

 

Hadalkan,ayaa kusoo beegmaya xili todobaadyadii ugu danbaysay ay Bulshaddu isla dhexmarayso Ciidamo ay Xukuumaddu ka dhex qorayso Dalka,iyada oo Beelaha Somaliland la kala siiyay Saamiyo kala duwan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>