Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Waddani Oo Dhaliilay Xukuumadda

(Duulnews)-Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Inj. Cabdirashiid Maxamuud Cali(Riyo-raac), ayaa sheegay in Xukuumadda Siilaanyo ay mudadii Shanta Sanno ahayd ee ay haysay talada dalka ay lumisay mustaqbalkii iyo hiigsigii ummadda Somaliland

, waxaana uu carabka ku dhuftay in muddo Toban Sanno ah ay Somaliland dib uga dhacday halkii ay waagii Daahir Rayaale maraysay, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in aanay Xukuumadda Siilaanyo daacad ka hayn dawladnimada dalka isla mar ahaantaana ay u loogayso oo daacad ka tahay qorsheyaal uu sheegay in dawlada Xamar wadato.

Inj.Cabdirashiid Maxamuud Cali, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale sheegay in Xukuumadda Siilaanyo aanay waxba qaban mudadii Shanta Sanno ahayd ee ay dalka maamulaysay.

“Anigu waxaan leeyahay dadka beenta ha laga daayo, wax loo qabtayna ma jirto mudadii Shanta Sanno ahayd ee ay xukuumaddu gacanta ku haysay, marka laga tagi waayo daaraha ay USAID dhistay ee mashruucii la odhan jiray qorshaha 500 million ee 2008dii uu saxeexay madaxweyne Daahir Riyaale, iyo madaarada oo 13million ahaa oo iyadana uu Daahir Riyaale saxeexay oo Kuwait laga soo qaaday, wax qabad horta Xukuumaddu intaas ayey qabatay taasina waxay ahayd wax loo diyaariyey oo runtii loo sii diyaariyey oo la yidhi uun xadhiga ka gooya.”.Ayuu yidhi Inj.Riyo-raac.

Inj.Cabdirashiid Maxamuud Cali oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi;”Dhibaatada jirta waxa weeyaan bani-Aadamku haddii ay horumar ku faanayaan oo ay leeyihiin waxbaanu qabanay annagu ma aragno se iyagu haddii ay arkaan, waxa aan u sheegayaa in waxa qaldan ay yihiin in horumarka ay ka horeeyaan wax la yidhaahdo hayn ama sii waarid (Sustainability) oo waar waxan aad ku faanayso ma sii hayn kartaa oo horumarka aad sheegayso ma hayn kartaa. Maanta waxaan arkaa in runtii waxii shacabku uu qabsaday ee daarihii uu shacabku dhistay iyo waxii uu shacabku hagaajistay in ay maanta ku sugan yihiin khatar oo aanay haysan karin waxoodii. Sababtu waxa weeyaan Xukuumaddani kamay shaqeynin sidii nabad dhammays-tiran looga shaqeyn lahaa oo waxan ay umaddu dhisatay loo hayn lahaa. Anigu waxaan arkaa in Xukuumaddani ay lumisay mustaqbalkii iyo hiigsigii umaddan, maantana aanay jiirn nabad galyadii ay Somaliland ku faani jirtay oo maanta aanay jirin nabad run ahi se ay jiraan deganaanshiyo wax la yidhaahdo, deganaanshahuna waa meelaha qaarkood, oo galbeena waa la isku haystaa, Barina waa la isku haystaa. Markaa xagee ayaa ay nabaddu jirtaa, waxaana aan leeyahay waxyeelo mooyee Xukuumadda Kulmiye dalka waxba kumay soo kordhin, halkii waagii inna Riyaale la maraayey Toban Sanno ayeynu dib uga sii dhacnay.”.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Inj.Riyo-raac, waxaa uu sida oo kale ka hadlay marxalada ay maanta marayso siyaasada arrimaha dibadda Somaliland, waxaana uu farta ku fiiqay in aanay maanta jirin wax siyaasad arrimo dibadeed oo dhisan isaga oo tilmaamay in ay magac ahaan uun u taagan tahay, waxa kale oo uu tibaaxay in ceebta ugu weyn ee innaga raacday siyaasada arrimaha dibaddu ay tahay iyada oo Labadii wadan ee jaarka la’ ahaa ay ammaankoodii ku aamini kari waayeen Xukuumadda jirta.

“Hada wakhti xaadirkan Siyaasada arrimaha dibaddu ma jirtaba, waana ay baa ba’day hadana waxa jiraa waa magac uun, waxaana Tusaale kuugu filan Labadii dawladood ee aynu jaarka walaalaha ah ahayn ee aynu saaxiibka ahayn ee waliba innoogu dhawaa ayaa xuduudaha xidhay. Labadii ayaa maanta wax aynu la haysano oo ah wax kalsooniya ayna jirin, dawladihii jaarka ahaa ayaa innagu yidhi ma aamini karno oo amnigayaga kuma kalsoonaan karno Xukuumadda ka dhisan Somaliland, midaasna ceeb ka weyn oo la sheegaa ma jirto oo arrimaha dibadda ahi.”.Ayuu yidhi Inj.Riyo-raac.

Inj.Cabdirashiid Maxamuud Cali, waxaa uu sida oo kale sheegay in aan maanta lagaranayn jiho Allaale iyo jiho ay u socoto siyaasada arrimahada dibadda Somaliland.”Waxaad ogtahay in beeshii caalamku innagu tidhi waxii aanu ku tabcaynay waad baabiiseen, kuris daraadii ayaa loo baabiiyey, macnahiina waxaa uu u muuqdaa wax meel Allaale iyo meel ay ka socoto aan la garanayn oo aynaan haysan runtii siyaasad cad oo aynu raaci karnaa, maanta sidii waagii inna Riyaale ee ay dadku hiigsi lahaayeen ma jirto maanta, waxaad ogtihiin in Lixdan mudane oo Golaha Baarlamaanka Ingiriiska ah ayaa aynu haysanay, maantana xubin ma haysano, meel Alle meel aynu wax ku haysano iyo albaab innaga furani ma jiro. Aniguna runtii shakhsiyan waxaan u arkaa in aanay Xukuumaddani daacad ka ahayn arrinta Somaliland iyo qadiyadeeda, balse ay daacad ka tahay arrinta ay Somali-weyn wadato, sidaas darteedna loo soo baabiiyey Albaabadii dibadda oo dhan loona soo xidhay, wadankan iyo ummaddani waxa ay hiigsanaysana aan diyaar loo ahayn in laga midho dhaliyo.”. Ayuu yidhi Inj.Cabdirashiid Maxamuud Cali(Riyo-raac).

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>