Xukuumadda Oo Goor Dhawayd Xabsiga Dhigtay Xoghayihii Xidhiidhka Goboladda Ee Xisbiga UCID

Here available News, Spotrs, cultures, and social science(Duulnews)-Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga Ucid Mudane C/qani Ibraahim Salaf ayaa goor dhawayd xabsiga Loo taxaabay .

Xoghayaha oo gaadhigiisa watta isla markaana marayya agagaarka Hotel Imperial ayaa waxaa mar kaliya isku wareejiyay ciidamo kuwaas oo ammar ku siiyay in uu soo raaco ka dibna sidaasi lagu xidhay .

Xoghayaha oo ay noo suurtagashay in aanu khadka telefanka ku helno ka hor intii aan gudaha xabsiga la dhigin ayaa noo xaqiijiyay in uu ku xidhanyahay Xarunta CID-Da isla markaana aanu garanayn Sababta loo xidhay .

Dawladda kamay hadal xadhigan mana cadda sababta Masuulkani loo xidhay .

Xadhigan Xogahayaha Xidhiidhka Gobolada ayaa u muuqda mid siyaasadeed maadama xoghayuhu ahaa Masuul si aad ah u dhaliili jiray xukuumada soon bandhigi jiray qoraalo uu ku iftiiminayo goldoloolooyinka xukuumada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>