Xukuumadda Oo Sarajoogga Ku Xalisay Ciladd Ku Timid Gaadhiggii Gurmadka Deg Degga Ahaa Ee Cisbitaalka Sallaxley Oo Habeen Hore Ay Haweenay Adeeg Caafimaad La’aan Ugu Umul-aroortay Deegamadaasi

Hargaysa: (Duulnews)-Maalin ka dib markii ay adeeg caafimaad la’aan ay Qof Dumar ahi ku umul-aroortay deegaanka ka tirsan Sallaxley,ayaa habeenkii xalay waxa Hotel Ambasaddor ee Magaaladda Hargaysa isku yimid Wasiirada,Xildhibaanada,Aqoonyahanka,Salaadiinta,Wax-garadka Deegaanka iyo Masuulitiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Wasaaraddaasi Md. Saleebaan Ciise Axmed ‘Xaglatoosiye’,waxaana si furan oo layska waraysatay Sababta ay dhinacyada ay khusaysaa wax uga qaban waayeen ciladda lasoo daristay Gaadhigii Gurmadka dega dega ahaa Degmadda Sallaxley,kaas oo shaqo balaadhan oo aan kanasasho lahayn u hayay Dadka Deegamaas ku dhaqan,gaar ahaana Hooyadda Iyo dhalaanka.

Xogaha la xidhiidha Shirkaas ee ay Warbaahintu heshay,ayaa intaas ku daraya in ka dib Canaan iyo is-eedayn dhinacyadda ah laysla qaatay in si deg deg ah looga hawl galo sidii dib looga shaqaysiin lahaa Gaadhiga Gurmadka ee Cisbitaalka Wey nee Magaaladda Sallaxley oo hadda Cilad ku timid u ugu jira Geerash Magaaladda Hargaysa dhexdeeda ah.ciladda gaadhiga ku timid oo qarashkeeda lagu sheegay inay tahay 3000 oo Dollar,ayaa la sheegay inay kala qeyb sadeen Wasiirka Warfaafinta,Caafimaadka Iyo Caaqil Rashiid Jaanbiir oo ka tirsan Gudiga horumarinta ee Deegaanka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>