Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Ay Wada Hadal Lafurayso Kooxda Nabad Diidka Ah Ee Khaatumo. -

(Duulnews)-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka Golaha Wakiilad Somaliland baashe Maxamed Faarax oo ku sugan Deegaanka Laascaanood Ayaa cadeeyay in Xukuumadu Wada hadal lafuri Doonto Kooxda Nabad Diidka Ah ee Cali Khaliif Galaydh Horjoogaha ka yahay.
Waxa uu Tilmaamay in Wada hadalkaas ay Xukuumadda Somaliland Khaatumo ugu Baaqday Ay aqbaleen bisha ramadaan ka bacdina lagu wado in uu furmo wada hadalkaas oo u dhaxeeya kooxda khaatumo iyo Xukuumadda somaliland.

Baashe Maxamed Faarax ayaa ku gubaabiyay Beelaha daga Deegaankaasi inaanu Saami Qayb sigoodu Aanu ku Imanayn Qori Balse Wada hadalka u soo fadhiistaan si ay tabashadooda u muujiyaan.

“Waxa aan balan qaadaynaa marka iidda laga baxo inaan wada hadal furno,qoladan walaaleheen ee
Khaatumo inaan la hadalno oo gogol u dhigno sidii hore madaxwaynu balan qaaday ,iyaguna way naga balan qaadeen oo diyaar ayay u yihii”ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland oo ka hadlayay magaalada Laascaanood.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax ayaa dadwaynaha Reer Laascaanood ku booriyay inay is diwaangaliyaan.“Maalin dhowayd tiro koobkii waxa lagu sheegay saddex boqol oo kun ,waxaasina waa diwaangalintan aad ka cararaysaan,waxa aad iga balan qaadaan inaad diwaangalintaasi codaysan”

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in wixii ka maqan gobolka Sool aanu ku iman karin qori ee nabad galyada la ilaaliyo isla markaan horumarka la shaqeeyo.

“Saami qaybsigu qori ku iman maayo ,waxa uu ku imanayaa wada hadal iyo inagoo codkeena qaybsana,waxa aynu ku xisaabtamaynaa waa cod,nabad galyaduna waa mihiimn aynu kala baxno oo dadka qaar horumarka ha u gurmadaan”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>